Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 18 2014                                             Jamadi Al Thani 18,1435H     

 

 

 

 

Xasan Gaafaadhi Oo Daboolka Ka Qaaday Inuu Maxamed Kaahin Kula Loolamayo Jagadda Guddoomiye Ku Xigeenka 1-Aad Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, April 19, 2014 (Haatuf) - Gudoomiyihii urur siyaasadeedkii dhacay ee RAYS Md Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay hankiisa siyaasadeed ee ku aadan hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE, kaas oo shaaciyey inuu u tartamayo oo uu u sharaxan yahay jagada Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee xisbigaasi.

Xasan Gaafaadhi ayaa ku dhawaaqay hadalkan mar uu maanta ka hadlaayey munaasibada balaadhan Hargeysa ka dhacday oo ay soo qaban qaabiyeen taageerayaashii urur Siyaasasadeedkii RAYS oo hada ka tirsan Xisbiga Muxaafadka Ah Ee  KULMIYE.waxaana uu ku bilaabay hadalkiisii “Marka hore waxaan cadaynayaa in aan ahay oo aan u taaganahay musharaxa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE,waxaan raacinayaa markii aanu soo galnay xisbiga ee ururadii soo galay aanu kamid ahayn ee ururkii rays iyo dalsan aanu ka mid ahayn,waxaanu nimi xili uu Xisbigu fooda ku so hayo  shirweyne ,waxaanu ku heshiinay wixii aanu hunguri aanu qabno in aanu ku muujino shirweynaha”.

Xasan Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in aanay aqbalayn in hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE ay shanta sano ee soo socota ay u xidhnaato,waxaana uu tibaaxay in ay sharci darro ay a tahay arin mesha ku haboona aanay ahayn

“Sidaad la socotaan shirweynahaasu mudo sanad iyo dheeraad ah ayaa uu dib u dhacaayey ,ilaa maantana waxaa aynu ognahay in aynu soo gaadhnay ,wakhti sanad iyo laba bilood laga taagan yahay xiligiisii uu ahaa in uu qabsoomo mudadiina ilaa hada aanay cayinayn inkastoo aan filaayo in ay fooda inagu soo hayso ,hadii ay noqoto in xisbiga shirweynahii aanu sugaynay ay noqoto in hogaanka xisbigu inta ay meel fadhiistaan ay yidhaahdaan shanta sano ee Soo socotana haynoo xidhnaato,arinkaasi arin aanu filaynay meeshana leeg sharci ahaana banan ma aha,anigu hadaan xasan ahay habeenkii go’aankaa la gaadhay subax nimadeedii ayaan is aragnay gudoomiyaha,waxaan ku idhi arinkaasi waa arin khalada mana qabato meesha ma raacsani qof ahaana waan ka soo horjeedaa hankaygana waan leeyahay oo waa kaa aan maanta la taaganahay”.Ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi

Sida oo kale Md:Gaafaadhi waxaa uu sheegay in gudidii ku go’aamisay in aan la la tartamin hogaanka sare ee Xisbiga  uu ahaa  mid hindisa ah oo la diidi karo lana yeeli karo,waxanaa uu sheegay in wali damaciisii siyaasiga ahaa uu wali leeyahay waxaana uu yidhi:

“arinkaasi hindisa ayaa uu ahaa dadkuna wax badan ayaa uu isweydiinayaa dadka qaarbaa go’aan u haysta ee go’aan maaha,waa hindise ay cidi soo jeedisay oo waa wax la diidi karo waana wax la yeeli karo laakiin waxaa ka xaasila sharci uu dhinaca ku hayaa ma jiro.shirweynuhu waa haayada dastuuriya oo sharci ah oo leh shaqooyin sugan oo ay tahay in uu fuliyo,shaqooyinkaasna waxaa ka mid ah  in laysdoorto oo hogaanka xisbiga iyo dhismaha xisbiga laysku doorto oo golihiisa dhaxe lagu doorto ,waana uu taagan yahay cid baajin kartaana ma jirto cid go’aan ka ka gaadh karta oo dabada ku soodhamayn kartaana ma jirto kartaana ma jirto oo dabada.sidiisii buu u leeyahay laakiin waxa maalintaa halkaa lagaga dhawaaqaaa waa hindise dadkana yey ugu dhicin in ay tahay go’aan “

Gabagabadii Md:Xasan Gaafaadhi waxaa  uu sheegay in ergooyinka ka kala imanayaa gobalada dalku aanay macnahoodu ahayn dad la sii dooratay in ay gacan ta u taagaan balse ay sida oo kale u imanayaan in shirweynahaasi ay ku doortaan hogaankii hogamin lahaa mudada shanta sano ah ee soo socota

“hadii ay go’aan tahay looma baahna in dadku ay ceeri gaabo ka yimaadaan,ama laascaanood ka yimaado ama saylac ka yimaado ama intaa inta u dhaxaysa uu ka yimaado oo laba maalmood inta uu halkan yimaado deedna uu hindisahaa uu gacanta u taago looma baahnaadeen in waxaasu uu go’aan yahay ,laakiin waxa weeye dadku codkoodiibay eeyihiin hogaankoodii bay leeyihiin sababta shirweynaha ay u imanayaana waxaa weeyaan inay ku doortaan hogaankooda siyaasiga ah ee mudadaas labada shirweyne u dhaxaysa.”Ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.