Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 20 2014                                             Jamadi Al Thani 20,1435H     

 

 

 

 

Dareeno Shaki Leh Oo Ka Dhashay Maxaabiis Falal Argagixixo U Xidhan Oo Rasaas Ay Ka Dhex Bilaabeen Jeelka Hargeysa Hal Askari Ku Dilay

 

Hargeysa, April 20, 2014 (Haatuf) – Maxaabiis jeelka dhexe ee Hargreysa ugu xidhnay falal argagixiso ayaa maanta rasaas dhex bilaabay jeelkaas, kuwaas oo xabadii ay ku fureen ciidanka ilaalada xabsigaasi ku dilay hal askari, kuwaas oo dhawr askari oo kalena ku dhaawacay isla goobtaa.

Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay shan nin ayaan la garanaynin meesha ay hubka ay ciidanka ku fureen ay ka keeneen, iyada oo ay iska hor imaad ku dhexmaray jeelka dhexdiisa maxaabiista hubaysan iyo ciidanka ilaalada xabsigaasi, kuwaas oo ay qaarkood nabadqab kaga baxeen jeelka isla markaana ay markii danbe ciidanku qaarna xabsiga hortiisa ay ku qabteen, halka kuwa kale lagu qabqabtay agagaarka xabsigaasi.

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedo xogogaal maxaabiistan hubaysan ee isku dayey inay xabsiga dhexe ee Hargeysa xoog kaga baxaan ayaa iyagu u xidhan falal argagixiso oo ay Somaliland ka sameeyeen, kuwaas oo sida la sheegay uu ka mid ahaa Jaamac Kuutiye oo ka mid ahaa ragii Magaalada Sheikh ee gobolka Saaxil ku dilay macalimiinta dugsiga SOS sanadkii 2003-dii, halka ay la socdeen xubno falkaasi kala fuliyey degmadda Sheekh sanadkaasi.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii maxaabiista jeelka dhex ee Hargeysa ku qaaday ilaaladooda.

Wasiirka Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da u sheegay in weerarkaasi uu ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada jeelka dhexe isla-markaana uu ku dhaawacmay hal askari oo kale.

Wasiirku ma faahfaahin dhacdadan, hasa-yeeshee ilaa hadda waxay ku sugan yihiin gudaha jeelka, isaga oo weheliyaan saraakiisha ciidamada ammaanka, sida taliyaha asluubta iyo madax kale.