Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
April 20 2014 Jamadi Al Thani 20,1435H | |
|
Cali Khaliif Oo Laga Filayey Socdaal Uu Ku Yimaado Hargeysa Oo Taleex Ka Dagay Hargeysa, April 21, 2014 (Haatuf) - Siyaasi laga filayay inuu soo gaadho dhawaan magaalada caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa ka degay magaalada Taleex oo la sheegay inuu kaga qayb galayo shirka sadexaad ee kooxda Khaatumo Seeg ee ka soo horjeeda Somaliland. Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland kana mid ah siyaasiiinta aaminsan mabda,a Soomaaliweyn ayaa si lama filaan ah uga dagay magaalada Taleex. Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo beryahanba la isla dhex marayay inay wadahadalo u socdaan Xukuumada Somaliland isla markaana la filayay inuu dhawaan soo gaadho magaalada Hargeysa iyadoo la sheegay in wadahadal uu u socday Xukuumadda Somaliland. Waxaa imika meesha ka baxday in uu jiray wax wadahadal ah oo dhex maray Somaliland iyo Siyaasiga Cali Khaliif Gallaydh isla markaana waxaa meesha ka baxday inay Xukumadda Somaliland soo xero galiso Cali Khaliif Galaydh. Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ayaa imika gaadhay maaalada Taleex oo la filayo inay kooxda Khaatumo Seegv ay degmada Taleex ku qabsadaan shirkoodii sadexaad ee Khaatumo 3 Taas oo la filayo inay dhawaan ku soo dhisaan kuna soo doortaan Maamulkii sadexaad ee bedeli lahaa indha-sheel oo imika sheegta inuu yahay Madaxweynaha maamul ay ula magac baxeen Khaatumo Seeg. |
|