Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 21 2014                                             Jamadi Al Thani 21,1435H     

 

 

 

 

Beesha Makaahiil Isaaq (Sacad Muuse) Oo Si Rasmi Ah U Qaadacday Ka Qayb-Galka Shirwaynaha 3-Aad Ee Kulmiye

“Dadka Waxa Kali Ah Ee Deeqa Waa Cadaalad, Kulmiye Xaqeenii Waynu Ka Weynay Oo Wuu Ina Dulmayey, Shacbigii Soo Saaray Ayuu Kala Godobsaday” Ugaas Jabane

Hargeysa, April 21, 2014 (Haatuf) - Beesha Makaahiil Isaaq oo ka mid ah beelaha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ee Sacad Muuse ayaa si rasmi ah qaadacday ka qayb-galka Shirweynaha 3-aad ee Xisbiga KULMIYE, waxaanay tilmaameen inay talaabo ka qaadi doonaan cidii beeshooda ka

tirsan ee ka qaybgasha shirwaynahaasi.

Sidoo kale waxay beesha Makaahiil Isaaq Iclaamiyeen inay shir ay aayahooda kaga tashanayaan ay dhawaan iskugu iman-doonaan, waxaanay sidaasi ku sheegeen shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ugu horayn waxa madashaasi ka hadlay Ugaaska guud ee beesha Makaahiil Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim (Jabane) kaas oo sheegay inay beeshoodu ka tashan doonto aayaheeda iyo xisbiga ay siyaasiyan cududooda ku taageerayaan, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya Ugaas Jabane waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ummadu in ay xaqeeda ka hadasho waajib ayey u leedahay, dulmi in uu qofku qaato ma aha, Imika waxaynu ka hadlaynaa Xisbiga kulmiye, xisbiga kulmiye maalintii la aasasay

illaa maanta nafta inagaga baxday sida umada kaleba, xisbiga kulmiye markii doorashadii hore ee Madaxtooyada laga helay illaa intii danbe ee uu ku guuleysanayey kursiga intaaba mucaaridbaynu la ahayn, Beesha Makaahiil dhibaato adag ayaa ka soo martay, wakhtigii aynu mucaaridka

ahayn, runtii waa nasiib darro in wiixi aynu intaas oo dhan ku soo tabcaynay in aynu maanta cad quudheed layna siiyo umaynaan qalmeyn, dadka waxa kali ah ee deeqa waa cadaalad, Xisbiga Kulmiye waxeeni waynu ka weynayn wuu ina dulmay, cadaalado darru inagu sameyey, shacbigii soo saaray ayuu kala godobsaday, Beeshenu xisbiga kulmiye waxay siisay Codkii ugu badnaa, lakiin maanta beesha makaahiil waxa ka nasiib badnaaday kuwii ridayey, marka beesha ”.

Sidoo kale Suldaan Maxamuud Siciid oo ka mid ah salaadiinta beesha Makaahiil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan dadweynaha beeshasi ku abtirsada in ay isku yimadaan kulan ay ayahooda kaga tashanayan, waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay qaybta yare

e beesha la siiyey, Waxa uu yidhi. “Waxanu Shirkan Jaraa’iid u qabanay, in aanu ku qaadacno ka qaybgalka shirweynaha Kulmiye iyada oo beesha makaahiil la siiyey waxaan u qalmin, waxa kale oo aan

diidanahay ragga wasiirada ee kulmiye ee beesha sacad muuse waxa u qaybiyey, beesha makaahiil may helin waxa u qalba, raga qaybta noo qondeyey waanu ognahay, Aniga oo suldaanka beesha Makaahiil ah waxan leeyahay beeshu shir hayskugu timaado ay aayaheeda kaga tashanayso”.