Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 23 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Isbahaysiga Xoogaga Mucaaridka Iyo Bulshada Rayidka: Furin Cusub Oo Soo Waajahday Xukuumada Siilaanyo

Hargeysa, April 23, 2014 (Haatuf) - Waxa todobaadkan magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay Isbahaysi sal-balaadhan (broad-based coalition) oo u dhaqdhaqaaqa difaaca xoriyatal qawlka gaar ahaan xoriyada saxaafada Somaliland oo afartii sanadood ee u dambeeyey xadgudubyo iyo tacadiyo isdaba joog ahi kaga imanayeen xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Isbahaysigan oo ay ku dhawaaqeen ururo matalaya bulshada rayidka ah sida ururada xuquuqal-iisaanka iyo Saxaafada madaxabanaan, dhalinyarada, haweenka, qareenada iyo hay’adaha samafalka ee maxaliga ah oo ay isgaashaan-buuraysanayaan xoogaga mucaaridka ee labada xisbi ee UCID iyo Wadani iyo waliba madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa waxa ku dhawaaqistiisu timid kadib markii ay xukuumada Somaliland 7/4/2014 xayiraad ku soo rogtay laba wargeys ee Haatuf iyo Somaliland Times iyadoo afar bilood ka horna ay albaabada u laabtay wargeyskii Hubaal.

Xoogagan isbahaystay ayaa la filayaa marka dhinaca siyaasada laga eego inay noqdaan furin culayskeeda iyo tixgalinteeda leh oo si hor leh uga soo horjeesta tacadiyada foosha xun ee ay xukuumada Axmed Siilaanyo ee shacbiyadeedu sii shiikhayso ay kula dhaqanto xoriyaadka iyo xuquuqda uu distoorku u kafaalo qaaday muwaadiniinta.

Talaabadan lagu aasaasay isbahaysigan ayaa waxay mucaaridka usoo kordhinaysaa garab ay ka helaan qaybo muhiim ah oo ka tirsan bulshada rayidka ah oo xiliyadii hore u sacab tumi jiray xisbiga Kulmiye wakhtiyadii uu mucaaridka ahaa waxa se xaqiiqo ah in aasaasida isbahaysigani ay faa’iidada ugu weyn ka heli doonaan bulshada rayidka ah iyo qadiyada xoriyatal-qawlka ee ay difaaceeda isu-gaashaan-buuraysteen.