Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 24 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Aan Hore Loo Shaacin Ku Tagay Berbera Iyo Khasaarihii Ka Dashay Shilkii Kolanyadii Siday

Hargeysa, April 24, 2014 - Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo ayaa socdaal aan hore loo shaacin ku tagay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil kaas oo kolanyadii siday ay shil ku gashay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera xiliga ay Berbera kusii jeedeen.

Kolanyadan oo u sii jeeday dhinaca magaalada Berbera ayaa waxa is duqeeyey laba ka mid gaadiidkii Madaxtooyada Somaliland taas oo sababtay in gaadhi ka mid ah tiknikadii la socotay kolanyadaasi uu dhinaca bidix uga leexday wadada shilkii dhacay kadibna ay is jiidheen gaadhi Marko II ah oo nooca rakaabka ah oo dhinaca Berbera ka soo socday halkaas oo baabuurkii markaII ahaa khasaare balaadhani kasoo gaadhay.

Ilaa hada khasaaraha shilkani sababay ayaa waxa la hubaa todoba Dumar ah oo dhaawac ah oo ka mid ah dadkii saaraa gaadhiga Marko II ah kuwaas oo hada yaala qaybta gargaarka degdega ah ee cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Ma jirto ilaa hada cid xukuumada ka tirsan oo shilkaasi ka hadashay.

Sidoo kale ilaa hada lama oga sababta socdaalkan uu madaxweynuhu ku tagayey Berbera hase yeeshee siday ku tibaaxeen ilo ku dhawdhaw xukuumadu socdaalka madaxweynuhu  wuxuu ku juhaysnaa meesha loo yaqaano Biyo-kulul oo ku taala tuulada Biyo-Guure taas oo 15km Berbera uga jirta dhinaca waqooyi bari halkaas oo la sheegay inuu Madaxweynuhu u tagayo Caafimaad.

Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa waxa socdaalkiisa ku wehelinaaya Marwadiisa Aamina Waris  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillahi Fadal waxaanay hada ku sugan yihiin Madaxtooyada Berbera.