Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 24 2014                                             Jamadi Al Thani 23,1435H     

 

 

 

 

Mudaneyaal Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland Oo Wada Mooshin Lid Ku Ah Siilaanyo

Hargeysa, April 24, 2014 (Haatuf) – Koox mudaneyaal ah oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa abaabulaya mooshin lid ku ah madaxweyne Axmed Siilaanyo kaas oo ay ku eedaynayaan inuu ku kacay ficilo isugu jira distoor jabin, xil gudasho la’aan iyo ku xadgudub uu kula kacay xoriyatul qawlka iyo madaxbanaanida saxaafada.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen mudaneyaal ka tirsan golaha wakiilada oo ka cudur daartay in la shaaciyo ayaa sheegay in ay wadaan mooshin lid ku ah madaxweyne Siilaanyo oo ay soo dhigi doonaan todobaadka soo socda horaantiisa oo kalfadhigii 24aad ee golahaasi furmayo.
Mooshinka lidka ku ah madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu eedaha uu xambaarsan yahay ay ka mid yihiin ku xadgudubka distoor, faragalina uu ku hayo hay’adaha gafrsoorka iyo cabudhinta saxaafada madaxabanaan gaar ahaan xayiraada sharci darada ah ee lagu sameeyey wargeysyada madaxabanaan ee Haatuf iyo Hubaal.
Mudaneyaashan ayay ila wareedyadu sheegayaan inay yihiin dhawr iyo afartan mudane.