Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 26 2014                                             Jamadi Al Thani 26,1435H     

 

 

 

 

Salaad Roob-Doon Ah Oo Maanta Laga Oogay Magaalooyinka Somaliland

Hargeysa, April 26, 2014 (Haatuf) – Guud ahaan magaalooyinka Somaliland ayaa  si balaadhan looga oogay Salaad roob doon ah oo ilaahay lagaga baryaayey in uu raxmaadkiisa u shubo oo uu waraabiyo.

Abaaro Sagaalkii Subaxnimo ee saaka ayey ahayd markii ay guud ahaanba magaalada Hargeysa ay marqudha isla ogeen masaajida iyo goobaha kale ee loo asteeyey ku tukashada Salaada Roob doonta ah oo ay soo oogeen kumanaan qof oo reer Hargeysa ah.

Salaadan oo uu madaxweynaha Somaliland ku baaqay ayaa waxaa meelaha lag oogay ka mid ahaa Garoonka Weyn ee kubada cagta ee magaalada Hargeysa.

Waxaana halkaasi ku tukaday dadweyne aad u tirabadan ku waasi oo usoo diyaar garoobay tukashada salaada roobdoonta.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Axmed Cabdilaahi oo dadweynahaasi kala qay galay tukashada salaada roob doonta ah ayaa kadib salaada waxaa uu halkaasi dadweynaha uga soo jeediyey hadalo dardaarana waxaana uu yidhi “Maanta waxaa aynu walaalayaal isagu soo baxnay in aanaan ilaahay aan barino sunihii nabi Maxamedna aan raacno manata oo kale ama xiligan oo kale marka uu roobku raago,waxaa nabi Muxamed (SCW) inoo jideeyey inaynu isu soo baxno oo salad Roobdoon la’yidhaahdo aan tukano salaada ciida ayey u eeg tahay sida aad arkeyseen baynu u tukanaynay ,deedna khudbad ayaa uu nabigu la kacayey (SCW)markaasuu dadka waaninayey oo dadka wax u sheegayey dareen siinaayey ilaahay subxaanahu wata caalaa Col inalama aha ilaahay waaba uu ina abuurtay rahmaanbuu yahay waa uu naxariis badan yahay ilaahay waxaa uu doonayaa uun in aynu dariiqii uu ina jeexay marno”.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo isna sida oo kale Garoonka 31-ka May kula tukaday dadweyne aad u tira badan ayaa hadalo kooban oo uu halkaasi ka jeediyey waxaa uu kula dardaarmay  dhamaanba shacbiga reer Somaliland in ay is cafiyaan si baa uu yidhi ilaahay inoogu naxariisto oo raxmaadkiisa inoo waraabiyo waxaanu yidhi “Kulaylka iyo roob laaanta ina haysa waad wada dareen santihiin bal maanta hargeysa meel kale waraysigeedu ha kuu danbeeyee hargeysada aynu joogno maanta caasimada Somaliland Kulayka iyo dhibta ina wada haysa aad wada dareen santihiin waxaa laynooga baahan yahay sidaa walaal keen sheekhu inoo sheegay in aynu is cafino oo caloosheena wanaajino in xasadka iyo xumaanta ninba ninka kale uu jiidanaayo ee maanta ninkiiba walaalkii waxa wanaagsan u ogaaan la’yahay inaan iska dhaafno,dadku marka ay isku uur fayoobaadaan ayaa iyagana ilaahay u naxariistaa ilaahay waxaa uu yidh waxaan umada ku arsaaqaa niyadooda hadii niyadoodu wada wanaagsanaato ilaahay arsaaqadana waa uu inoo kordhini circa iyo dhulkana barkadiisa ilaahay waa uu ina siinayaa”,