Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 27 2014                                             Jamadi Al Thani 27,1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Oo Mudadii Uu Xilka Hayey

Wada Bixiyey Dayn Lagaga Lahaa Maraykanka Oo Gaadhaya $531,535

Waxa Ka Mid Ahaa Dayn Guriga Uu Ku Jiro Ee Maraykan Lagaga Lahaa Iyo Laba Credit Card

Hargeysa, April 27, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (waji-xun) ayaa mudadii uu xilka hayey iska wada bixiyey dayman lagaga lahaa dalka Maraykanka ee uu mudada sodonka sanadood iyo dheeraadka degenaa, daymahaas oo gaadhaya lacag dhan $531,535 (shan boqol kow iyo sodon kun iyo shan boqol iyo shan iyo sodon dollar).

Lacagtaas oo uu badankeeda ku lahaa baanka la yidhaahdo Wells Fargo Bank waxay isugu jirtay dayn guriga Maraykan ee uu ku jiro lagaga lahaa oo dhan $417,000 (afar boqol todoba iyo toban kun oo dollar), laba Credit Card oo uu ka qaatay Bank of America oo marka la isu geeyo noqonaya $44,535 iyo amaah kale oo ah $70,000 taas oo iyadana uu ku lahaa Wells Fargo Bank.

Wasiir Ducaale ayaa sida ka muuqata xisaabihiisa baananka waxa laga bilaabo sanadkii 2011 ku soo biiray lacago fara badan oo ay ka mid tahay tan uu ku dayn baxay.

Baananka dalalka reer galbeedka ee bixiya amaahaha guryaha lagu iibsado Mortgage ayaa waxa ay dadka u qabtaan mudo dheer oo ay ku bixiyaan daynkooda iyadoo dakhliga soo gala hadba wax looga goosto, laakiin Mr Ducaale laba sanadood wasiir muu ahayn markii uu qaan-baxay ee uu wada-bixiyey lacagtii guriga lagaga lahaa iyada oo lacagta uu mushahar ahaan uga qaato dawlada Somaliland aanay gaadhin $1000 bishii.