Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 27 2014                                             Jamadi Al Thani 27,1435H     

 

 

 

 

Koox Uu Horgale Ka Ahaa Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka UK Oo Natiijo La’aan Kala Soo Noqday Sheffield

Sheffeild, April 27, 2014 (Haatuf) -  Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska iyo koox u horboodayay oo shalay u kicitimay magaalada Sheffield si ay u soo dambabasaan arrinkii $20,000 ee uu Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland mudane Xuseen Cabdi Ducaale ( Waji Xun ) lunsaday ayaa natiijo la’aan iyo hungo kala soo huleelay magaaladaasi xalay goor dambe.

Arrinkan musuq-maasuqa uu Wasiirku ku kacay ayaa Wargayska Haatuf shaaciyay bilowgii bishan April taasoo sababtay in xukuumada Siilaanyo xaruntii wargayskaas albaabada isugu laabto isla todobaadkiiba kadib markii uu wasiirku dafiray jiritaanka arrinkaas isla markaasna soo bandhigay waraaqo ama rasiidho la been abuuray.

Hase yeeshee cadaymo si is-dabajoog ah u soo gaadhayay saxaafada iyo shirar jaraa’id oo ay qabteen Jaaliyada reer Somaliland ee Sheffield ayaa si buuxda u bayaamiyay in wasiirku lacagtaas si badheedha u lunsaday.

Odayaasha iyo madaxda Jaaliyada reer Somaliland ee Sheffield ayaa wakiilka u sheegay shalay in jaaliyadoodu ahayd mid isku duuban oo halgan midaysan ku keenay ictiraafka uu Golaha Deegaan Magaalada Sheffield ku aqoonsaday jiritaanka iyo gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland.

Waxay kaloo si mug leh ugu wargeliyeen wakiilka Somaliland in xukuumada uu ka tirsan yahay ay iyadu musuq-maasuqa iyo wax isdabamarin aanay ka warqabin ku soo kordhiyeen hawshii wanaagsanayd ee ay u qabteen dalkooda oo aanay haba yaraatee wax adduunyo kaga dalban xukuumada Somaliland.

Waxay intaas raaciyeen inay aaminsan yihiin in dalka Somaliland iyo shacabkiisa ay baahiyo aad u baaxad wayn iyo duruufo adagi ku gadaaman yihiin sida biyo la’aan, laydh la’aan, adeega caafimaadka oo aad u liita, meelo badana aan kaba jirin, kaabayaasha dhaqaalaha oo aad u liita iyo guud ahaan rajada nolosha oo hoosaysa faqriga ka jira awgeed. Sidaas darteedna ay fajac iyo amakaag ku noqotay inay maqlaan meel baahiyaha baaxadaasi leegi ka jiraan ayaa lacag laga soo diray.

Ugu dambayntiina waxay hadalkooda ugu soo gunaanadeen inaan wax dhib ahi ka jirin Sheffield, musuq maasuqaas uu Wasiirku kula soo galgashayna ay ul dheer iskaga fogeeyeen. Waxaanay fareen wakiilka in xukuumada uu ka tirsan yahay loo igmaday inay wax ka qabato baahiyaha is dul tuulan ee wadankii ka jira, shacabka danyarta ah shilimaad sida adag kaga go’dana inaanay haboonayn in sidan loo lunsado ama lagu naas nuujiyo dad dawlado kale noloshooda damaanad qaadeen oon baahi u qabin.

Waxaanay ku adkeeyeen in loo baahan yahay in xukuumadu juhdi geliso wax ka qabashda musuq maasuqa iyo shakhsiyaadka caadaystay ee xukuumada Siilaanyo ka tirsan ama siyaabo dadbanba ugu xidhan.

 

Source: Qarannews