Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 28 2014                                             Jamadi Al Thani 28,1435H     

 

 

 

 

C/raxmaan Saylici Oo Lad-Qabo Lagu Keenay Hoolka Uu Ka Furmay Shirwaynaha Kulmiye Iyo Ergadii Beeshiisa Oo Aan Ka Soo Xaadirin

Hargeysa, April 28, 2014 (Haatuf) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka 4-aad ee xisbul-xaakimka dalka ee Kulmiye Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lad-qabo lagu keenay xili danbe shirwaynaha xisbigaasi oo khilaaf badani hadheeyey isla markaana shalay ka furmay huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa.
Sida ay xaqiijiyeen xogaha laga helayo xisbiga Kulmiye Madaxwayne ku xigeenka dalka C/raxmaan Saylici ayaa isagu codsaday in dib loo dhigo markale shirwaynaha Kulmiye, taas oo uu sabab uga dhigay saluug ay beeshiisa gobolka Awdal ka qabtay tirada ergooyinka la siiyey, kuwaas oo iyagu si cad u qaadacay, isla markaana diiday inay ka qayb-galaan shirkaasi taas oo sababtay inuu go’aanka beeshiisa taabaco, balse markii uu shirku mudo 2 saacadood ku dhaw socday ayaa ergooyin badan oo loo diray ay ku soo khasbeen inuu ka soo xaadiro madashaasi khilaafka badani hadheeyey.
Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo ayaa waji-gabax kala kulmay markii uu hoolkii shirku ka furmayey tagay isaga oo aanu joogin ku xigeenkiisii, taas oo keentay in markii danbe xubno u firfircoon madaxtooyadda Somaliland in la diro, kuwaas oo dood dheer ka dib ku guulaystay inay ku soo qanciyaan inuu madasha yimaado.
Dhinaca kale arrintan ayaa daboolka ka qaaday xajmiga khilaafka ka dhex-taagan xisbul-xaakimka Kulmiye oo labadiisii shirwayne ee kan ka horeeyeyba ay dhaameen sidan, balse markii uu talada qabsaday markale bulshadda Somaliland dib ugu celiyey nidaamkii shir beeleedyada ka dibna markii uu ergooyinkiisii xisbiga Kulmiye si foolxun u soo xulay.