Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 30 2014                                             Jamadi Al Thani 30,1435H     

 

 

 

 

In Wargeys La Xidhaa Waxay Ka

Dhigan Tahay Somaliland Oo Laga Noqday Oo Kale

Maxamed Cumar

Xoriyatal-qawlka gaar ahaan xoriyada saxaafada ayaa waxay ahayd iftiinka ay dadku eegan jireen ee ay ku kala ogaan jireen in Somaliland wali caafimaad qabto iyo in kale.

Khaladaad kasta iyo dhib kasta oo dawlada kaga yimaada dadku waxa ay ididiilo ka dhigan jireen inay jirto saxaafad xor ah oo ka hadli doonta wax kastoo ay tabanayaan taas oo galin jirtay rajo ah in wax la sixi doono oo intay jirto warbaahin madaxbanaan oo dareemada jira lagu cabiri karo ay wax walba aakhirka hagaagi doonaan.

Saxaafada xorta ahi waxa ay ahayd hadafka kaliya ee si dhab ah uga hirgalay himilooyinkii loo soo halgamay xaqiijintooda.

Waxay ahayd dawlad-wanaagii aynu hiigsanaynay intii yarayd ee wali ka sii bidhaamaysay.

Maanta iftiinkaasi ma jiro oo waa la damiyey si aan loo ogaan xumaanta aynu huursanayno sida muhmalka ka jira cida wadankan xukunta, mana jiro ra’yi kale oo xor ah oo ay dadku ku ogaan karaan meel la isla marayo.

Cadaalad darooyinkii ay israacii 1960 kala kulantay xukuumadihii rayidka ahaa ka sokow Somaliland waxa ay ka dhalatay dulmi, cabudhin iyo xasuuq uu mudo dheer kula dhaqmayey nidaam kalidii-talis ahi.

Umadaha duruufaha caynkaas oo kale soo mara markay kalidii talisnimada iska xoreeyaan waxa u horeeya ee ay falawgeed qabtaan waxa weeyi in wixii ku dhacay dib dambaysa ugu dhicin oo aanu halgankoodii ay nool iyo moodba u hureen u khasaarin oo dhibaatooyin la mid ah kuwii soo maray aanay abid dib u soo marin.

Shacbiga reer Somaliland iyagoo ka hortagaya in cadaalad daro iyo kalidii-talisnimo dambe oo ku dhacda, waxay 1991 la soo noqdeen madaxbanaanidoodii dhiiga badani ku daatay, waxaanay dhigteen xeer (distoor) xaaraan-timaynaya dhamaan dhaqamadii foosha xumaa ee kalidii-talisnimadii soo martay.

Laakiin maamuladii Somaliland ka hanaqaaday kan ugu dambeeyey ha ugu daraada’e, waxay dhamaantood ka sinaayeen iyagoo ku xadgudba xeerkii ay wada dhigteen oon hadana lagu qabsan, taasina waxay aakhirkii ina gaadhsiisay heer aynaan ka hadli karin dalkan ay xukunto cid kale oo aan ahayn hogaankii loo doortay June 26, 2010 oo wargeyskii Haatuf markuu is-hayn kari waayey ee uu tibaaxo ku sheegay in arintaasi jirto ay noqotay in isagii albaabada loo laabo oon cidina is-waydiinin.

Dabayaaqadii March 2007 Garsoore Faysal Dhaga-dhago isagoo fulinaya rabitaankii qasriga madaxtooyada waxa uu xadhigii iyo ganaaxii uu ku xukumay Gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo sadexdii suxufi ee kale ku daray xayiraad uu ku soo rogay Wargeyska Haatuf.

Xiligaa xukunku dhacay Madaxweyne Rayaale wuxuu ku maqnaa socdaal dibada ah sidaas darteed lama garan karo inuu xayiraadaa wargeyska fulin lahaa iyo in kale, hase yeeshee waxaynu hubnaa oo aynu ognahay in ku xigeenkii Rayaale oo ahaa Axmed Yuusuf Yaasiin uu gaashaanka u daruuray in xukunkii xayiraada la fuliyo taas oo aanu Madaxweyne Rayaale waxba ka badali markii uu mudo yar kabacdi dalka ku soo laabtay.

Dalkan oo kale wixii soo maray marka dib loo eego in wargeys la xidhaa waxa ay ka dhigan tahay Somaliland oo laga noqday oo kale.

Taliskan dalka xukumaa wuxuu lumiyey sharciyadii uu ku taagnaa markii uu mubaaxsaday inuu dadka rayidka ah rasaas la dhaco xoriyatal qawlkana xasuuqo.

Wuxuu gaadhay heer uu shirkadaha isgaadhsiinta amar ku siiyo inay adeegyada Internet-ka cida uu doono ka joojiyaan.

Waxa iman doonta in Sim-Card-ka Mobilada la iska xanibo oo laydhka iyo biyaha la iska jaro, oo la soo xidho imaamyada masaajidada ee akhriya mid ka duwan khudbada Jimcaha ee ay soo qorto wasaarada awqaaftu oo doorashada madaxtinimada dalka ee soo socota lagu shubto indhaheena oo shan ah oo sidaas la inagu haysto cidii is-dhaqaajisana dhagta dhiiga loo daro.

Waxaynu durtaba aragnay dad shaqooyinkii ay hay’adaha aan xukuumiga ahayn ka hayeen lagaga eryey “Dawlada ayaad dhaliishaan oo idinka soo cabatay”.

Eexaysiga, Qaraabo Kiilka, Musuqmaasuqa iyo Cunaqabataynta lagu soo rogo cidii maskaxdeeda hadasha ee maamulka u guulwadayn wayda, waxay ka mid yihiin dhaqamada foosha xun ee ina xasuusinaya waxyaabihii murugada lahaa ee ina-soo-maray.

Dalkeena waxa ka jirta xukuumad wasiirada ku jira dhamaantood ay wada hoganayaan oon qofna ku dhicin khalad uu arko inuu tilmaamo oo meel damiirkii dhintay oo nin walba kursigiisa ilaashanayo oo qof kaliya loo wada nacamlaynayo.

Marka heerkaas la marayo waxa ay ku dambayn doonto ma wada garanayno, miyaanay ahayn in hurdada laga kaco oo aynu is-dabaqabatayno inta ay goori-goor tahay intaynaan jarka ka dhicin.