Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 30 2014                                             Jamadi Al Thani 30,1435H     

 

 

 

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Oo Sheegay In Xeerka Ciqaabta Guud Ee Loo

Adeegsanayo Masuuliyiinta Haatuf Uu Muujinayo Muxubo Xukuumada Siilaanyo U Qabto Somalia

“Waxa Keenay Xeerkan Ciqaabta Guud Ee Looga Tagay Xeerkii Saxaafadu Waxa Weeyi Cadaawad ay Xukuumada Siilaanyo U Hayso Saxaafada Oo Ay Ddoonayso Inay Godd Iyo Booraan Dheer Ku Rido” Maxamed Cabdi Curad

Hargeysa, April 30, 2014 (Haatuf) – Gudoomiye ku xigeenka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad ayaa sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo cadaawad gaamurtay ay u qabto saxaafada Somaliland, taas oo keentay in saxaafada ay u adeegsado xeerka ciqaabta guud ee Somalia lagana talaabsado xeerka saxaafada Somaliland ee dhaqan-galka ah.

Mr Curad ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu maanta siiyey Idaacada Radio Hilaac, waxaanu tilmaamay in xukuumadu ay caashaqsan tahay oo ay muxubo u hayso Somalia, waxaanu ku baaqay in kiisaska saxaafada laga dhigo madani (civil case) sida uu xeerka saxaafada Somaliland dhigayo.

Gudoomiye ku xigeenka SOLJA oo ugu horayn la waydiiyey sida uu arko xeerka ciqaabta guud ee loo adeegsado saxaafada Somaliland iyadoo laga talaabsanayo xeerka saxaafada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Arintaa waxaan u arkaa ka SOLJA ahaan hadaanu nahay ururka suxufiyiinta Somaliland  khalad labaad oo xukuumadu ama waaxdii fulinta iyo garsoorku ay mar labaad u marayso kiiska Haatuf inuu yahay nidaam sharci daro ah waxay u martay xeerka ciqaabta guud oo ah xeerkii Somalia ee (Indian panel cord) kaasina waa xaaraan saxaafadu xeerbay leedahay dhaqangal ah oo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale saxeexay golayaashuna ansixiyeen oo dhaqangal ahi.

Xeerkaasi in kiisaska saxaafada loo raaco ayaanu mar walba cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegaynaa imikana waxa aanu leenahay waa xaaraan kiiskaasi la mudeeyey iyo dacwadaasi Haatuf ee Axada loo mudeeyeyba ee loo raacayo xeerkii Somalia waa xaaraan, xadhigoodii baa xaaraan ah dacwadooda ayaa xaaraan ah.

Waxa nasiibdaro ah in aan la hayn Kiiska Haatuf cida ama ashkhaasta dhibanaha ka ah lama hayo waa xaaraan arintaasi ayaanu leenahay.

Waxa keenay xeerkan ciqaabta guud ee looga tagay xeerkii saxaafadu waxa weeyi cadaawad ay xukuumada Siilaanyo u hayso saxaafada oo ay doonayso inay god iyo booraan dheer ay ku rido oo kiisaska saxaafada ay ka dhigto kiisas laf-jab ah oo criminal case-kii oo kale ah sida dacwadaha dilka oo kale ah in loola dhaqmo, kiisaska saxaafadu waa madani.

Waxay ahayd in cida dhibanaha ka ahi ay dacwad maxkamada ka furato fee-ga bixiso taasina ilaa iyo hada may dhicini, dacwada Haatuf xeer-ilaalinta guud ayaa soo samaysay cida dhibanaha ka ah ma garanayno. Ta laabaad ee arintani muujinayso waxa weeyi in wali xukuumadu muxubo iyo kalgal u hayso Somalia.”