Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 3 2014                                             Rajab 4,1435H     

 

 

 

 

“Ninka Magac-Xumadda Ugu Wayni Ka Raacaysaa Waa

Axmed Siilaanyo Oon La Odhan Karin Isagu Kuma Jiro Ama Waxba

Kama Ogga Xasuuqan Ay Ad-Naabtiisu Ku Fulinayaan Xoriyadii Saxaafadda”

 Yuusuf Cabdi Gaboobe, Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf

Hargeysa, May 3, 2014 (Haatuf) – Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in dhaqamada lagu cabudhinayo warbaahinta madaxabanaan ee xukuumadda talada haysaa ay ku kacdo inay magac-xumid ugu wayni inay ka raaci doonto Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo uu ku dooday inuu door mihiim ah ku leeyahay talaabooyinka albaabada loogu laabay xarumaha wargeysyada Haatuf, Somaliland iyo Hubaal.

Guddoomiyaha Haatuf Mr Yuusuf Gaboobe oo si qoto-dheer uga xogwaramay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo halka ay ka soo unkameen warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland ayaa isaga oo ka hadlayey munaasibadii maanta lagu xusayey saxaafadda ee ka qabsoontay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa isaga oo arrimo door ah ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Markasta  oon  arko muuqaalkan quruxda badan oo kale ee aynu hadda ku fadhino waxaan xasuustaa galabtii u danbaysay ee aynu halkaa buurta kala jeexan ka soo galnay, January 31-keedii 1991-kii sawirkii ay magaaladdani lahayd iyo waddankoo dhamiba sidii uu u ekaa.

Galabtaas Hargeysa Kun qof may joogin, burburka iyo halaagga meesha ka dhacayna wuxuu ahaa mid aan qof  binu-aadam ahi malayn karin.

Mujaahid la odhanjiray Cabdi ayaa wuxuu i waydiiyey su’aal ahayd ‘Yuusufoow adigaa dibadaha kolay ka war hayeye tannoo kale wali ma kadhacday?.

Waxaan ku idhi intaan ogahay maya laakiin wax badan oo ku dhaw  dhaw ayaa dunida soo maray lamma aragse meel ilaa garaa’idka sabbadda lagala baxo. Hase yeeshee mujaahidkaas iyo aniguba iyo xaqiiqo ahaan dhamaanteenba inagamay qasnayn oo waxaynu ku faraxsanayn in waxkasta oo dhacay aynu ku liqnay guushii ina raacday iyo xornimadeenii aynu soo ceshenay, anigu maalintaas waxaan hoos iskugu lahaa Ilaahay guushii idinsiiye waa inaad dalkan wax ka dhigtaan, wax cusub oo leh sawirkii aad u soo halganteen si uu u noqdo dal jiilasha soo kacayaa si fiican ugu noolaadaan.

Dib u dhiska dalkan waxaan anigu ka bilaabay inaan fuliyo figradaa aan maskaxda ku hayey markii aynu qaaxo joognay oo ahayd mujaahidiinta soo halgamay iyo qosaska agoomoobay marka la guulaysto sida wax loogu qabanayo.

Waxaa figradaa hirgalinteeda ila fahmay oo igu taageeray mujaahid XasanCiise Jaamac oo markaa noqday madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland oo xor ah.

Sidaas ay ku dhalatayJimciyada Mujaahidiinta ee SOOYAAL oo ay uga mid noqotay hay’adihii ugu horeeyey ee dalka ka dhisma. Waxaanay markiiba isku hawshay sidii mujaahidiinta dib loogu soo dabaali lahaa nolashii rayidka ahayd.Hub ka dhigis, dib u jahayn, shaqo abuuris, aqoonkordhis iyo xirfad-barasho, arrimahaasi ayaan ka shaqaynayey 8-dii sano ee u horaysay.

1999-kii ayaan saxaafadda u soo gacan-baxay oon gurmad ahaan ugu tagay wargeyskii Jamhuuriya oo xiligaa ahaa jariirada kaliya ee madaxbanaan ee dalka ka soo baxda, ka dib markii uu geeriyooday halyeygii saxaafadda xorta ee Somaliland Alle ha u naxariistee marxuum Maxamuud Cabdi Shidde.

Waxaanu ku xigsiinay Haatuf oo aanu u aas-aasnay si wadanku u yeeshoWargeys madaxbanaan oo 2-aad.Maantana waxa Somaliland ka jira in ka badan 10 wargeys oo maalinle ah iyo lix todobaadle ah oo afar ka mid ahi ay luuqada Ingiriisiga ku soo baxaan.waxaynu sidoo kale leenahay saddex Telefishan oo gaar loo leeyey iyo tobanaan Website-yo ah.

Dabcan waxa inaga dhiman Idaacadihii oo aanay jirin sabab alaale sabab ay xukuumad  Somaliland ahi inoogu diido ama inaga doonto inaynu furista idaacado madax banana fasax uga qaadano.

Maanta oo 23 sanadood ay ka soo wareegeen galabtaa aan ka sheekaynayo ayaa waxaynu arkaynaa Xornimadeenii oo ay ku soo duushay xukuumadii dalkan ka talinaysay.

Maaha Hubaal, Haatuf iyo Somaliland Times kaliya waxa xidhani, ee waa xoriyatul-qawlkii ay shacbiga reer Somaliland oo dhami xaqqa u lahaayeen oo quful afka lagaga jabayey oo kale ayey arrintani ka dhagan tahay ama xaqiiqo ahaanba noqonaysaa.

Shaki kuma jirro in xukuumaddani taariikhda ku gali doonto xagga xoriyatul-qawlka tii ugu cadaw-sanayd ee dalkan soo marta inay tahay. Ninka magac-xumadda ugu wayni ka raacaysaana waa AxmedSiilaanyo oon la odhankarin isagu kuma jiro ama waxba kama ogga xasuuqan ay Ad-naabtiisu ku fulinayaan xoriyadii saxaafadda iyo hay’adihii warbaahinta ee madaxabanaanaa. Waxa nalagu haystaa maxaad dadka u tusteen musuq-maasuq jira oo aanu wax ka qornay markii aanu u kuur-galnay ee aanu ogaanay inuu wasiirka macdanta iyo tamartu dhex-fadhiyo oo markii danbena baadhitaankii nala galey wiilkan yar ee BaasheCawil iyo awoodahan qayrul-sharciga ah ee uu ku yeeshay madaxtooyadii wadanka looga talinayey.

Sidii Sakaaradii la yidhi saallo-muuqatay aas-aastaa ayey is yidhaahdeen musuq-maasuqii ku tagri-falkii awoodda dawladeed ee la wada arkaayey qarriya, kolkaasayHaatuf albaabada u laabeen oo ay xaruntii guud askar ku wareejiyeen ilaa imikana ay haystaan, kolkaasay mad-bacadihiina u hanjabeen oo ay ku amreen inaanay daabicin wargeyska, kolkaasay haddana amar kale maxkamadda ka soo goosteen oo ay xayiraad ku soo rogeen Website-yadiiHaatuf iyo Somaliland Times.

Waxaa soo dhan kumay joogine waxay xayiraad safar dhigeen madaarada dalka sidii oon ahay nin baxsanaya.  Bal salba-bakha iyobaqaha intaas leeggi muxuuyahay?. Madaxwaynihii amar ku bixin lahaa in musuqmaasuqaa la baadho ayaa isagii difaac u noqdayoo aaminsan in Waji-xun laga gar-daran yahay waana markii 2-aad ee uu madaxwaynuhu wasiirkaasi la saftay ee uu ka difaaco fadeexado musuq-maasuq iyadoo tii ugu horaysay ahayd markii uu mucaawino ay hay’ad samo-fal ahi bixisay uu dhigtay xisaab gaar ah oo uu ka furtay baan ku yaala dalka Djibouti.

Dhibaatadda iyo hagar-daamooyinka ay warbaahinta ku hayaan ka sakow waxay maa-laayacni ka dhigeen garsoorkii oo sidii tigidhada garoomadda lagaga daawado ciyaaraha ayey kolba maxkamada warqad amar ah oo waxay doonayaan ku fushadaan ay ka soo goosanayaan.

Cidda sidaas u Cabban ee dayrtan noocaasi ah lihi awalba istaahil may ahayn inay kasoo ag wareegto xukun ka dalka, mana noqonayso warbaahinta madaxbanaani mid dadka war uga dhigta in madaxwayne dabaashay horumar u keenayo ee waxay noqon doontaa mid dadka uga wakiil ah inay dawladda indhaha ku hayso oo si xor ah oo xalaal ah ugu soo waranto.

Xoriyatul-qawlka gaar ahaan xoriyada saxaafadu maaha wax hadiyad loo bixiyey ee waa xaquuq ay dadku soo dhacsadeen oo aan cidina ka qaadi Karin”.