Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 4 2014                                             Rajab 4,1435H     

 

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo Oo Loo Gudbiyey Warqad (Petition) Ay saxeexeen 350 Qof Oo Lagaga Codsaday In Degdeg Xayiraada Looga Qaado Wargeysyada Iyo Website-yada Xidhan

Hargeysa, May 4, 2012 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa loo gudbiyey warqad (Petition) lagaga codsanayo inuu degdeg xayiraada uga qaado wargeysada iyo website-yada madaxabanaan ee xayiraada ay saartay xukuumadiisu.

Warqadan codsiga ah oo ay saxeexeen 350 qof oo ka mid ah haldoorka Somaliland ayaa doraad gaadhay Madaxtooyada Somaliland taas oo sidoo kale Madaxweynaha lagaga dalbanayey in dacwadaha xukuumadu ku qaado saxaafada loo maro xeerka saxaafada Somaliland 27/2004 ee dhaqangalka ah.

Qorida Warqadan Madaxweyne Siilaanyo loo gudbiyey ayaa waxa iska kaashaday Isbahaysiga Difaaca Xoriyaadka Distooriga ah, waxaanay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Xaraf hotel.

 “Madaxweynaha Somaliland waxa aau u gudbinay warqad (Petition) 350 qof ay saxeexeen oo lagaga codsanayey in laga qaado xayiraada wargeysyada la xayiray iyadoo aan loo marin sifo sharci ah loo xidhxidhay oo loo xayiray.

Waxa Petition-ka qoray oo iska bahaystay xisbiyada Qaranka, Madasha Wadatashiga, Ururada Xuquuqal Iinsaanka, Ururada Bulshada, Ururada Saxaafada, Golaha Guurtida xubno ka socday, Ururka Qareenada, Aqoonyahano, Madaxdhaqameed, waxay u gudbisay madaxweynaha in xayiraada laga qaado wargeysyadaasi xayiran sharcigana lagu dhaqmo.

Waxaynu ognahay in aan loo marin laguna dhaqmin xeerkii saxaafada ee 27/2004-kii soo baxay, markaa waxaanu ku celinaynaa oo aanu leenahay Madaxweyne talabixintaas ay ku soo siiyeen intaas oo isku tagtay inaad jawaab degdeg ah ka bixiso wargeysyada Haatuf, Hubaal iyo Somaliland Times iyo website-ka Haatuf sida ugu dhakhsaha badan xayiraada laga qaado”. Ayay ku yidhaahdeen shirkaasi jaraa’id ee ay Isbahaysiga Difaaca Xoriyatal Qawlku ku qabteen Hargeysa.