Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 4 2014                                             Rajab 4,1435H     

 

 

 

 

Booyad Shidaal Oo Ku Rogmatay Meel Kaabiga Ku Haysa Xarunta

Sirdoonka Somaliland Oo Ay Degenaayeen Dad Shicib Ah Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Hargeysa, May 4, 2014 (Haatuf) - Booyad Shidaal ah ayaa ku rogmatay meel kaabiga ku haysa xarunta sirdoonka Somaliland oo ay degenaayeen qoysas shicib ah Abaaro 3:30 galabnimo ee maanta, waxaana dabkaasi ka kacay booyada ku dhintay dirawalkii waday, halka ay ku dhaawacmeen Kirishboygii ama gacanyarihii la socday iyo qof kale oo goobta shilku ka dhacay ka ag dhawaa, sida uu sheegay taliyaha Bileyska oo warbaahinta u waramayey.

Dabkan ka dhashay booyada shidaalka siday ee rogmatay oo uuro iyo qiiq madow uu circa isku shareeray ayaa waxa ku soo xoomay dadweynaha xaafada shacabka, kuwaas oo ay ku adkaatay in dabkaasi ay bakhtiiyaan sababta oo xooga uu ku socday, iyadoo goobta shilku ka dhacay ay ku yaaleen geedaha Ciinka loo yaqaano oo qayb ka qaatay hurinta dabkaasi iyo inuu si xawli ah dhakhso ugu fido.

Waxaana mudo saacad ka dib markii dabku fiday goobta soo gaadhay gaadiidka dab-dammiska ah, ciidamo bileys ah iyo booyado kuwa biyaha ah, sida uu ku waramay Wariye ka tirsan Haatuf oo isagu ka mid ahaa dadkii goobta tagay markii dabku bilaabmay.

“Saacadu Markii Ay Ahayd 4:10 daqiiqo ayaa sida uu ii sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka bileyska oo oo joogay goobta uu dabku ka cay in arintu ay Ka Kacday Booyada Shidaal Oo Kasoo Baxday Dal-Cadaas Sare Biriiguna U Qaban Waayey Dabadeena Waa Ay Dhacday Shidaalkii Ayaa Gubtay Oo Qarxay Sidaas Ayaa Uu Dabku Ku Dhashay Markaas.

Sidaasi waxa yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxaanu intaasi ku daray “Intaas Waxa Raaca Sida Ay Imika Xogtu Sheegayso Dhabta Ah Saraakiishii Goob Jooga Ahayd Hal Nin Oo Loo Malaynayo Inuu Ahaa Darawalkii Waday Gaadhiga Waa Uu Ku Dhintay Inankii Kirish Boogiina Waa Laga Saaray Waxaana Loola Cararay Dhatarka Wayn Uu Oo Hada Ku Jiraa, Ilma Yara Oo Kale Oo Isna Dhawaac Fududa. Laba Guri Ayaa Gubtay Oo Uu Khasaaruu Gaadhaye Oo Halka Ay Booyadu Ku Dhacday Koonfur Galbeed Kaga Beegan Ah Oo Sandaqado Ahaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Hadalkiisa Sii Wat Ayaa Waxa Uu Intaasi Kud Daray”Wixii Intaasi Dhaafsiina Baadhis Ayaanu Hada Wadnaa Oo Baadhista Ka Hor Dhici Maayo Intaas Ayaa Dhacday Waana Qof Dhimasho Ah Iyo Laba Qof Oo Dhaawac Ah Iyo Labadaas Guri Ee Gubtay Iyo Booyadaas Dhacday Ee Dabku Ka Dhashay”.