Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 6 2014                                             Rajab 6,1435H     

 

 

 

 

Wasiir Ku-Xigeenkii Hore Ee Amniga Oo Daaha Ka Fayday Sababta Keentay Xil Ka Qaadistiisa

Hargeysa, May 6, 2014 (Haatuf)  -Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ee Dhinaca Amniga Cabdilaahi Abokor ayaa ka hadlay sababta keentay Xilka ka qaadistiisa, waxaana uu sheegay in aanay haba yaraatee jirin in Xilka looga qaaday Xil gudasho la’aan balse ay jirtay khilaaf ka yimi xaga Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxaana uu tibaaxay in uu ilaa hadana daremaayo  in uu khilaafkaasi yahay ka sababay in xilka laga qaado.

Wasiir ku-xigeenkii hore ee dhinaca Amniga Cabdilaahi Abokor  ayaa hadalkan ka sheegay maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa waxaana ka mid ahaa hadaladiisii.“Sababahaan uga tagay waxaa ka mid ahaa, sabab aan xilkayga u gudan kari waayey may jirin, laakiin waxaa jiray khilaaf ka yimi xaga golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa sabab u ahaa in aan xilka ka tago, imikana waxaan dareemayaa in ilaa hada uu arinkaasi taagan yahay, dalkan hadii la doonayo in uu siyaasad dagan yeesho waxaa loo baahan yahay in si xora laysku doorto, si xorana ay isku maamulaan, hadii aan maanta taa laga waan toobin waxaan aamin sanahay waxaynu nahay qabiilo isku tagay hadii ninkasa lagu ixtiraami waayo shaqadiisa iyo reerkisa waxaa ay noqonaysaa dee in hadhaw toole dee lakala furfurmo sida basasha”.

Cabdilaahi Abokor oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu yidhi “Markaa waxaan halkan aan uga soo jeedinayaa xukuumada aan ka tirsanaa in la xaqdhawro xuquuqda muwaadinka iyo muwaadinka xurmada leh ee xisbiga u soo halgamay  ee xurmada mudan in aan maanta laga door bidin nin shilimaan  la siisan karo, markaa waxaan jecelahay si aan mustaqbalkeena sanado badan oo boqolaala aynu uhelno nidaam cad oo muuqda oo aanay inaga noqonin sida wadamada Afrika in qof inta la soo ibsado uu golaha dhexe la keensado”.

Dhinaca kale ila wareedo ayaa sheegaya inuu jiray khilaaf soo kala dhex galay Wasiir ku xigeenka Amniga iyo Marwada Madaxweynaha Aamina Waris oo ku saabsanaa xulista xubnaha golaha dhexe ee beeshooda oo loo xil saaray wasiir ku xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor.