Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 7 2014                                             Rajab 7,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo U Muuqda

Mid Ka Hadhay Musharaxnimadiisii Shanta Sano Ee Danbe

Hargeysa, May 7, 2014 (Haatuf) - Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa baylihiyey fursadihii uu ka sheegan lahaa musharaxnimadiisa shanta sano ee danbe, taas oo tii ugu horaysay ahayd madashii waynayd ee shirwaynaha xisbiga Kulmiye ee dabayaqaadii bishii hore ka dhacday magaaladda Hargeysa, iyada oo aad loo hadal hayey inuu musharaxnimadiisa shirkaasi kaga dhawaaqi doono.

Fursada 2-aad oo ahayd khudbadii uu xildhibaanadda labada golle baarlamaan ka hor akhriyey maanta taas oo ay dadka tuhunsan musharaxnimadiisu u tirinayeen inuu ka sheegi doono munaasibadaas sida uu maanta ifa-faaliyey wargeyska ku dhawdhaw ee Somaliland Today.

Arrinta kale ee ahayd inay sii dhiirigaliso waxay ahayd dhawaaqii guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu todobaadkan horaantiisii ku shaaciyey inuu yahay musharaxa u taagan jagada madaxwaynaha Somaliland, arrintaas oo u muuqatay in aanu ku dhawaaqisteeda xiligan kala tashanba madaxwayne Siilaanyo isla markaana uu aad ugu dhiiran yahay in tartan xisbiga dhexdiisa ah uu la galo Siilaanyo oon isagu meelna hore uga sheegin inuu ka tanaasulayo doorashada shanta sano ee danbe.

Xisbiga Kulmiye oo lagu dhaliili jiray hab-beeleed iyo tartan la’aan gudihiisa ah ayaa ku dhawaaqista Muuse Biixi ee musharaxnimadiisa waxay albaabka u furaysaa tartankii dimuqraadiyada ee xisbiyada dhexdooda ka maqnaa marka hore, inkasta oo ay xisbiyadu dhaqan ka dhigteen, walow aan loolanka laga tagayn, inay madaxwaynaha guulaysta laba xili u daayaan hadii aanu isagu ka tanaasulin.

Hadaba marka aad eegto aamus-naanta madaxwayne Siilaanyo ee aanuu sheegin damaciisa musharaxnimo ee shanta sano ee danbe iyadoo uu sanad kaliya ahi ka hadhsan tahay xili doorasheedkii madaxtinimada dalka, ilaa imika madaxwayne Siilaanyo wuxuu u muuqdaa mid ka hadhay musharaxnimo danbe oo uu isku soo taago jagadan uu hayo iyada oo labadan fursadood ee uu ka gaabsaday inuu mawqifkiisa ka cadeeyo ka sokow  uu jiro qodob sharci oo xadidaya ayni-ga qofka isku sharaxi kara jagadda madaxwaynaha dalka, taas oo la sheegayo in madaxwaynaha xilka hayaa ay da’diisu kor u dhaaftay cimrigii sharcigu ogolaa iyo waliba qodob kale oo caafimaad-qabka sheegaya.