Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 7 2014                                             Rajab 7,1435H     

 

 

 

 

“Muuse Biixi Laba Jeer Ayuu Aad Iyo Aad Wax Ugu Qabtay Madaxwayne

Siilaanyo, Hadii Uu Yidhaahdo Xisbiga Dhexdiisa Ayaan Kula Tartamayaana…."

Mujaahid Xasan Guure

Hargeysa, May 7, 2014 (Haatuf) - Madasha Wadatashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Xukuumadda ku tilmaamay inay hantidii dalka si sharci daro ah ugu takri-fashay, si aan sharci ahayna u isticmaashay, isaga oo tusaale u soo qaatay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye, oo uu sheegay inay Hantida Umadda ka dhexeeysa ay ku isticmaashay, waxaanu xusay Musuqmaasuqa uu Xukuumadda ku dhaliilay ay keeni karto Nabadgeliyo daro iyo inay dagaalo dhacaan, dadkuna iska hor yimaadaan”.

Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay inay Xukuumaddi aanay waxba u fiirsan oo cidii soo hadal qaada Musuq-maasuq,  ay xidho, isaga oo xusay inay Madaxweyne Siillaanyo uu aad ugu dhaliili jirey Xukuumaddii ka horeeysay ee Daahir Rayaale balse hadda Xukuumaddisu Hantidii dadka sida ay doonto u isticmaashay.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo Wargeyska Geeska Afrika  wareysi gaar ah siiyey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, isla markaana beeniyey hadal ka soo yeedhay dhawaan Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, hadalkaas oo ahaa in Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha Wada-tashigu ay kaga baxeen Shirweynihii ay isku ogayeen, waxaanu sidoo kale ka hadlay Musharaxnimada Madaxweyne ee Muuse Biixi oo uu sheegay inuu xaq u leeyahay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumadda Maanta dalka ka talisa waa Xukuumadda sida ay doonto oo sharciga baal marsan ay ugu takri-fasho Hantidii Umadda ka dhaxaysay, oo sida ay doonto ayey u adeegsataa, haddii aanu tusaale soo qaatana waxa cad oo marag madoon ah in Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbul Xaakimkiii uu ku dhaqmay kuna dhaqaaqay arin aad u fool xun,oo ah in Shirweynahoodii ay ku qabsadeen Hantidii Umadda ka dhexeeysay, taas oo arin aad u fool xun, Musuqmaasuqan ay ku dhaqmeena ee ay horseedka ka tahay Xukuumaddani waxa ay horseedii kartaa amaan daro, Xasilooni daro, Nabadgeliyo daro iyo in dalka dagaalo ka dhacaan, madaama cid gaar ahi ay Lacagtii iyo Hantidii Umadda si sharci daro ah u isticmaalayso, markaas waxa aan leeyahay oo aan Xukuumadda ugu baaqay inay bixiso Lacagta ku baxaysa Shirweynaha Xisbiyada UCID iyo WADDANI, madaama ay bixisay Lacagtii iyo Hantidii ku baxday Kulmiye, sababtoo ah iyaguba xaq ayey leeyihiin oo Kulmiye wey la siman yihiin”.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaxweyne Axmed Siillaanyo markii uu ahaa Mucaaradka, waxa uu aad uga hadli jirey oo uu odhan jirey Musuqmaasuqa iyo Hantida Umadda ee la cunayo ayaan wax ka qaban doona, balse Maanta oo uu Madaxweyne yahay wax alaale waxa uu ka qabtay ma jirto, sidii la doonana waa loo isitcmaala Hantida Umadda, waxaana taas ka sii daran in ciddii sheegta inuu jiro Musuqmaasuq iyo in si khaldan loo leexsaday Hantidii Umadda in aanay hubsan inay wax ka qabato ama  si gaar ah ay u baadho cidii lagu sheegay Musuqaas, balse waxa ay xidhaan cidii soo bandhigtay ama warbaahintii baahisay inuu Musuq jiro, waana wax laga xishoodo, oo aad loola yaabo”.

Mujaahid Xasan Guure mar  wax laga weydiiyay  inay wax ka jiraan hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Hadalkii ka soo yeedhay Maxamed Kaahin ee ahaa in aanu kaga baxnay oo aanu iman weynay Shirweynihii aanu isku ogeyn, waxba kama jiraan, balse anagu arintaas waxa aanu ku waareejinay Xisbiyada Mucaaradka ah, meel ay nagula soo hadleen iyo goob aanu ku balanay toona ma jirto, waxaana wali filayaa inay hawshaasi socoto”.

Xasan Guure mar kale ka jawaabay su’aal aanu  wax kaga weydiinay sida uu u arko Musharaxnimada Madaxweyne ee uu iclaamiyey Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu kaga jawaabay “Muuse Biixi laba jeer ayuu aad iyo aad  wax ugu qabtay Madaxweynaha, Doorashadii 2003-dii, aad ayuu wax ula soo qabtay, oo waxa uu ku dadaalayey inuu Axmed Sillaanyo Madaxweyne noqdo, balse nasiib daro wakhtigaas muu noqon Madaxweyne, haddana sidii ayuu hawsha ula sii waday oo uu u  garab  taagna, Sanadkii 2010, ayuu haddana ku dadaalay inuu Axmed Siillaanyo Madaxweyne noqdo, wuu noqday Madaxweyne, inuu hadda yidhaahdo “Waxa aan ahay Musharax Madaxweyne”, xaq ayuu u leeyahay, inuu Axmed Siillaanyo Xisbiga dhexdiisa kula tartamana xaq ayuu u leeyahay, wax ka hor istaagayaana ma jirto, qofkuna han ayuu yeelan karaa.”

Sources: Geeska Africa