Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 9 2014                                             Rajab 9,1435H     

 

 

 

 

 Xukuumadda Siilaanyo Oo Xabsiga U Taxaabtay Guddoomiyihii Iyo Tafatirihii Haatuf  Xili Maxkamadda Gobolku Si Cad U Diiday In Dacwada Wargeyska Lagu Qaado Xeerka Saxaafada Somaliland

 

Wiilka Siilaanyo Sodoga U Yahay Oo La Sheegay Inuu Ku Xila Furay In Xabsiga Dhexe Loo Taxaabo Madaxda Haatuf

 

Hargeysa, May 11, 2014 (Haatuf) – Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa xukun hore loo sii ogaa ku riday guddoomiyihii iyo tafatirihii wargeyska madaxabanaan ee Haatuf Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige oo goordhawayd xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa sifo sharciga baalmarsan loogu taxaabay.

Go’aankan la sida ay Haatuf u sheegeen dad madaxtooyada ku dhawdhawi hore loo sii shaaciyey ayaa ku soo begantay ka dib markii ay saaka maxkamadda gobolka Hargeysa ka bilaabantay dacwadii u dhaxaysay masliyiinta Haatuf iyo raxan wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda, Wiilka iyo Marwada Madaxwayne Siilaanyo, kuwaas oo aan intooda badani ka soo xaadirin madashii dacwadu ka dhacaysay.

Sidoo kale dacwadan oo abaaro sagaalkii subaxnimo ka bilaamatay Maxkamada Hargeysa ayaa Garsoorihii Dhageysanayey dacwadu waxa uu dacwadoohoodii dhegeystay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-Xun), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade, halka aanay ka soo xaadirin madashaaasi marwada madaxwaynaha Aamino Waris iyo wiilka ay sodoga u tahay Baashe Cawil (Xidid ku xoolow),kuwaas oo aan la garanaynin sababta dhabta ah ee ay madasha u iman-waayeen.

Dacwadan oo socotay mudo 5 saacadood ka badan ayaa iyada oo aan dhamaanayin ay gabi ahaanba dureen qareenadii madaxda Haatuf oo u arkay in Xeer Ilaalinta iyo Garsooruhuba ay dhinac yihiin, kuwaas oo maxkamada horteeda ka cadeeyey inay fari ku godan tahay.

Dhinaca kale Garsoorihii dacwada Haatuf qaadayey ayaa si cad u diiday soo jeedin ay ka codsadeen Qareenadii Madaxda Haatuf u doodayey oo iyagu ka codsaday maxkamadda in dacwada Haatuf lagu dabaqo xeerka Saxaafadda Somaliland ee dhaqangalka ah ee Xeer Lr 27/2004, isla markaana go’aankan garsoorihii dacwada qaadayey ku horjoogsaday in dacwadaasi loo raaco nidaam sharciga waafaqsan (Due Process of the Law), sheegayna in Xeerka Ciqaabta guud ee Soomaaliya ee (Somali Panel Code) lagu qaadi doono dacwadaasi xasaasiga ah.