Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 10 2014                                             Rajab 10,1435H     

 

 

 

 

Mujaahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Haatuf, Madaxwayne Siilaanyo-Na Ku Eedeeyey Inuu Sharcigii Dalka U Sad-Qeeyey Madaxda Beeshiisa

 

“Xadhig Waxa Mudnaa Wasiirka Duulista Hawada Iyo Kan Macdanta, Lakiin Qabyaalad Bay Ku Badbaadeen, Labadana Lagu Xidhay”Guddoomiye Ku Xigeenka 3-Aad Ee UCID Cali Guray

Hargeysa, May 11, 2014 (Haatuf) - Gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa qayurl-caadi ku tilmaamay xadhiga guddoomiyaha iyo tifatiraha Haatuf ee maanta xukuumadu xabsiga u taxaabtay, kaas oo dhacdadaasi ku sifeeyey masiibo qaran oo hil-faha u laabtay xoriyatul-qawlkii iyo madaxbanaanidii saxaafadda Somaliland.

Cali waxa uu ku dooday in hadii cid la xidhayo ay ku haboonaayeen wasiiradda musuqmaasuqa ay Haatuf ka baahisay iska difaaci kari waayey, kuwaas oo uu ku tilmaamay in sababta kaliya ee ay xadhiga uga bad-baadeen uu yahay reernimo, kaas oo xussay in masuuliyiinta xukuumadda ku jira ee ay isku beesha yihiin Madaxwayne Siilaanyo inay sharciga sida ay doonaan ka yeelaan oo aanu qabanin sharciga dalka.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta ku baahiyey Boggisa Face-book-ga, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

”Xadhig waxa mudnaa wasiirka duulista hawada iyo kan macdanta. lakiin qabyaalad bay ku badbaadeen. labadan na lagu xidhay. keliya waxay tani inoo sheegaysaa in aan sharciga hortiisa loo sinayn ee wasiirada reerkiisu ay ka sareeyaan sharciga. sharciga tuugta qabqaban waayay ee cidda tuugta sheegta qabqabanayaa waa ka madxwayne silanyo ee ka dalka maaha”.