Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 10 2014                                             Rajab 10,1435H     

 

 

 

 

Dib U Xoraynta Saxaafadu Waa Shaqo Joojin Ay Ku Dhawaaqaan Muddo Todobaad Ah!!!Faallo:

Cabdillaahi Budul

Tan iyo muddadii ay xukuumada Axmed Siilaanyo majaraha u haysay talada dalka ayaa waxa ay tacadi, gaco juglayn farabadan ku kula kacday suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxabanaan, iyadoo muddadaasi xabsiyada loo taxaabay suxufiyiin farabadan oo ka hawlgasha warbaahinta madaxbanaan.

 

Waxaana wakhtigan xaadirka ah ay xukuumadu xayiraad saartay wargeysyada Haatuf iyo Hubaal isla markaana xadhig sharci daro ah ku xidhay masuuliyiinta Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, iyadoo xadhigaasi loo maray dariiqo sharci daro ah oo ka soo horjeeda distoorka qaranka iyo xeerka saxaafada ee xeer lr 27/2004 ee dhaqan galka ah

 

Talaabada xadhiga masuuliyiinta Haatuf ayaa dadweynaha Somaliland la yaab ku noqotay dariiqada loo maray oo baalmarsan distoorka qaranka iyo shuruucda dalka u yaala, isla markaana baalmarsan xeer ka saxaafada ee dhaqangalka ah.

 

Xukuumada Kulmiye ayaa xilligii mucaaridka Kulmiye ku ololayn jirtay madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka inay sare u qaadi doonto oo aan si sharci daro ah loo xidhi doonin saxaafada iyo suxufiyinta, balse markii ay talada qabatay dhawaaqaasi noqday hal bacaad lagu lisay oo ay xadhiga suxufiyiinta iyo albaabo u laabida hay’daha warbaahinta ay kula dhaqantay, iyadoo wargeyska Haatuf ay dhawaan xukuumadu albaabada u laabtay iyo wargeyska Hubaal, taas oo meel ka dhac ku ah shuruucdii dalka iyo distoorka qaranka iyo waliba xeerka saxaafada ee damaanad qaaday madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka, isla markaana sumadii Somaliland ku lahayd caalamka nusqaan ku keenaysa.

 

Hadaba waxa muhiim ah dib u xoraynta saxaafada madaxabanaani inay ku dhawaaqaan shaqo joojin muddo todobaad ah oo ay ku joojiyaan shaqadii ay ka hayeen dalka ee ay ummada u hayeen si ay ugu muujiyaan sida ay uga xun yihiin habdhaqanka qalafsan ee ay xukuumada Axmed Siilaanyo kula dhaqamayso xoriyatul qawlka iyo madaxbanaanida saxaafada.