Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 12 2014                                             Rajab 12,1435H     

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Waaryaadhaheen ninkii Axmed Siilaanyo  ee ururkii SNM ee dalka xoreeyay muddada dheer soo hogaaminayay ee ka dagaalamay dilkii axmaqnimada ahaa, iyo tacadigii rajiimkii Siyaad Barre sowkan maanta raacay dariiqii macalinkiisii Afweyne ee ragii SNM ee halganka ay soo wada galeena qaarna fogeeyay qaarna xabsiga ku guray ee waliba argagixisada meel  kula xidhay.

Ta kale ma madashii wadatashiga ee halgamayaashii SNM ayaynu ognahay siduu u dayriyay, ma waxaynu ognahay wakhtigan xaadirka walla waynta uu Muqdisho uga yeedhay ee midnimada Somaaliweyn ee la casriyeeyay inoola yimid ee yidhi Somali jacayl ayaanu idiinku nimid  ee shacbigii reer Somaliland-na qaranimadii Somaliland shakigu ka galay.

Waxase la sheegayaa iyagiyo allahoode inuu Somaliland Axmed Siilaanyo shacbiga nacsiiyo, si uu madaxweyne Xamar u noqdo, balse qaranimada Somaliland wax go’ lagu qaado ka wayn.

Waxase aan shaki ku jirin in madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay gacamahooda isku sahayanayaan.

 Waxaana  hore loo yidhi bahal caydhin ma daayo nina caadadii ma baajo.

Ta kale abwaan Cabdillaahi Suldaan Timo cade ayaa laga hayaa, (Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galay)

Bahal caydhin ma daayo nina caadadii ma baajo.

Allow sahal amuura adigaa noo aqoonee.