Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 12 2014                                             Rajab 12,1435H     

 

 

 

 

Somaliland uun bay ka dhacdaa; Qalinkii Axmed Aadan Maxamed

Somaliland iyo shicibkeeduba waxay soo mareen halgan qadhaadh oo dheer oo loo huray naf iyo maalba waxaa ku barakacay boqolaal kun oo dadweynaha ah waxay kaga tageen hantidoodii iyo maalkoodii iyo raqdoodii laga bilaabo xiligii xaawa iyo aadan iyaga oo u huray dhalintii ay ku soo tabceen ee qiimaha adag ugu fadhiyay ee halganka xaq u dirirka ah ku naf waayay, wixii hanti  ah ee ay ururinayeen ayay banaanka kaga dhaqaaqeen magaalooyinkii iyo dagmooyinkii ay ku nolaayeen dhulka lala simay waxaa alaabahoodii iyo hantidoodii laga daba keenay dalka Ethiopia iyada oo la soo biliqeystay waxay xeryo qaxooti u galeen oo ay baa’ba iyo halaag ay u dabar adeegeyeen wuxuu ahaa in ay mar uun arkaan wadankooda oo xor ah dadkooda oo xor ah iyo in ay ka takhalusaan sisteemyo iyo rijiimyo gaamuuray oo waxash ah oo diktaaternimo iyo macangagnimo ku sifoobay.

 

Hadaba waxaan dadweynaha reer Somaliland aan doonayaa in maanta uga sheekeeyo dhacdooyin iyo sheekooyin la yaab leh oo aan meelo kale oo aduunka ah ka dhici Karin laakin Somaliland uun ay ka dhacaan.

Waxa dalka aanu jaarka nahay ee  Jabuuti ka qabsoomayaa bishan aanu ku jirno 16 keeda shir ama kulan balaadhan oo lagaga hadli doono sidii laga hor tagi lahaa xagjirnimada iyo afkaarta ku salaysan argagixsanimada shirkaasoo dalalka ka qayb gali doona ama lagu martiqaadey ay yihiin dalalka Geeska iyo Bariga afrika shirkaasi oo hindisihiisa iyo abaabulkiisa ay leedahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dalka Jabuuti gaar ahaan Wasiirka Mudane Adan Xasan Adan.

Shirkan oo la doonayo in ay ka soo qayb galaan xubnaha ama culimada qunyar u socodka ah ee dhaxdhaxadnimada diinta islaamka kaga hawl gala mandiqadan ayaa waxaa Shirkan  si rasmi ah lagu martiqaadey culimada Reer Somaliland ee qunyar u socodka ah  ,  Dawlada Jabuuti iyada oo qaranimada Somaliland  xishmadeynysa waxay codsiga ka qayb galka shirkan u soo martay wadadii rasmiga ahayd  ee Diblumaasiyadeed ee Arrimaha Dibedda jabuuti iyo Somaliland waxaa ayaan daro ah in Codsigii lagu tallo galay laba xubnood oo culimada reer Somaliland ee dhaxdhaxaadnimada leh si ay ka qayb galaan shirkan lagu magac daray ka hor taga afkaarta Xagjirnimada in Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland in uu laba nin oo marka hore aan ka tirsaneyn Wasaaradiisa oo afkaar xagjirnimo ah Xambaarsan gaar ahaan fikirka Wahaabiga ah ee Xagjirka aaminsan in uu ku badelay culimadii Wasaaradda iyo bulshada reer Somaliland ka buuxay ee caanka ku ah qunyar socodnimada iyo dhaxdhaxaadnimada uu ka doortay nimankaasi isaga oo laba xubnood oo kuwaasi aanu ka shekeney ah ku daray in ay ka qayb galaaan shirkaasi Jabuuti ka dhici doona.

Cidii warkan maqashay waxay amakaag iyo la yaaba iyo af kala qaad ah ku noqotay sababta keentay in labadan xubnood ee fikirkan xagjirnimada aaminsan sidee bay uga qayb gali karaan shir ajandihiisu tahay la dagaalanka xagjirnimada ah?

Kolkii aanu u kuur galnay arrinkan gaar ahaan culimada Wasaaradda Qaarkood ee ku dulman iyo bulshaweynta reer Somaliland gaar ahaan culimada fikirka dagan ama aaminsan qunyar socodka oo inala soo xidhiidhay iyaga oo cabasho muujinayaa waxaa inoo cadaatey in arrinkan koox gaar ah oo Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu hogaaminayo ay wadato.

Cawaaqib Xumada talaabadan:

Waxaa arrinkani ka dhalan karaa in marka hore sumcadii dalka uu halis galinayo marka labaadna shirka laftiisa burbur u horsed karo iyo in aan mar dambe Somaliland lagu martigalin shirar noocaas oo kale ah  madaama u yahay shir la isku weydaarsanayo fikradaha iyo aragtiyaha iyo warbixinada ku saleysan la dagaalanka xag jirnimada ah oo labadan xubnood ee ka fikir duwan xubnaha kale ee dalalka kale laga martiqaadey  ee ka qayb labada xubnood ee  matalaya Somaliland ay dodo iyo fikrado khalkhal galin ah iyo isu hor imaad ah ka dhax abuuraan shirkaasi halkaasina ay ceebi iyo cawaaqib xumo ka raacdo Magaca Somaliland oo la yidhahdo Somaliland baa niman argagixiso noo soo dirtay si ay shirkaba ay u burburin lahaayeen.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxayaa in shirkaasi ay goob joognimo iyo muraaqibiin ka socota bulshada caalamka gaar ahaan UN ka EU USA Ethiopia iyo Kenya ay  joogi doonaan madaama oo argagaxisnimadu meel walba oo geeska ah iyo Caalamka ahba khal khal galisay bulshada caalamkuna ay go’ansatay in la iskaashado sidii loo cidhib tiri lahaa afkaartan Wahaabiga ah iyo cida maalgalisaba la qaawin lahaa oo lala xisaabtami lahaa .

Shalay uun bay ahayd markii uu Nuuri Al Maaliki Raisal wasaaraha dalka Ciraaq uu shaashadaha TV ga ee aduunka uga cabanayay fikirka Wahaabiga ah ee dalkiisa maalin walba baabinayaa qaraxayo is dabajooga ka fulinayaa isaga oo dhaar ku maray in dhiiga muslimka ah ee meel walba ku qulqulayaa maalinta aakhiro la sudhi doono qoorta Wahaabiyada aan naxaynin ee dalka Somaliland na doonaysaa in ay cagaha iyo adinkaba ku walaaqdo si uu dalku u galo mugdi iyo jahwareer diimeed madaama oo qofka wahaabiga ah marku galayo ama u wahaabi noqonayo lagu dhaariyo kilmadan cajiibka ah ee af carabi ku noqoneysa

"اقسم باللة على طاعة الامير فى المكره والمنشط"

Markii aanu macno u raadinay makraha iyo manshadka ee dhaartan ku jirtaa waxaa la xaqiijiyay in uu makrahu yahay qadiyada Somaliland oo ay ka soo hor jeedaan jiritaanka Somaliland  manshad kuna u  yahay  inta aan la aqoonsan Somaliland ee Somaliweyn lagu darayo  .

Ugu dambeyn wahaabiyiinta dalka ku sugan ee dalka haysta ee iskuuladii iyo hay’dihii khayriga iyo ganacsiga ah ee ku xidhan dawlado iyo ururo dimeed ajanabi ah marka la eego dastuurka dalka iyo qodobada sharciga ah ee ku qeexan ay yihiin dad khaainul wadan ah oo u baahan in la dabar gooyo madaama ay isa shabahaan kacaankii umadan babiyay iyada oo ay mudan tahay in la xuso nimankaasi waxay ka hor taagnaayeen halgankii SNM ee dalka xureeyay iayaga oo manta hadhsanaya nabada iyo nimcooyinka ay ka heleen intii Somaliland jirtay dadkii u halgamay ee u dhintayna  maatidoodii iyo naafadii ka soo hadhay ay duruufo adag haysato waliba ay u haystaan niman gaalo ah in ay yihiin cid kasta oo nidaamkaa jiray ee Siyaad Bare riday u yahay Gaal.

Allaa Mahad leh

La soco qaybta dambe……………