Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 13 2014                                             Rajab 13,1435H     

 

 

 

 

Fadeexad Ka Dhalatay Lacag $30,000 Ah Oo Uu Baashe Cawil (Xidid Ku Xoolow) Ku Kharash-Gareeyey Xadhiga Guddoomiyaha Iyo Tafatiraha Haatuf

Lacagtaas Ayey Qaybsadeen Garsoorihii Dacwada Haatuf, Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Bilayska Iyo Xubnaha Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex Ka Socday

Hargeysa, May 13, 2014 (Haatuf) – Sida ay sheegeen masuul ay saaxiib dhaw yihiin wiilka uu madaxwayne Siilaanyo sodogga u yahay ee Baashe Cawil (Xidid ku xoolow) oo dhibane ka ah dacwada Haatuf ayaa la sheegay inuu lacag dhan $30,000 ku kharash-gareeyey in xabsiga loo taxaabo guddoomiyaha iyo Tafatirihii wargeyska Haatuf Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, kuwaas oo doraad loo dhaadhiciyey Jeelka dhexe ee magaaladda Hargeysa, isla markaana maanta subaxnimadii hore si qarsoodi ah loogu qaaday Xabsiga dhee ee magaaladda Gabiley ee xarunta gobolkaasi oo ay imika ku xidhan yihiin labadaasi eedaysaneba.

 

Lacagtan Sodanka kun ah ayuu Baashe Cawil siiyey sida la sheegay garsoorihii dacwada Haatuf dhagaysanayey oo magaciisa la yidhaahdo Mr Asad iyo Hogaanka hawlgalinta ciidanka Bilayska Maxamuud Ducaale oo ay isku xidhan yihiin wiilka madaxwaynuhu soddoga u yahay iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex Axmed Cismaan Mirre iyo xubin kale oo xeer ilaalinta ka socotay oo magaciisa la yidhaahdo Aadan Salaad Seed (Jug-soo dhacay), ayaa la sheegay inay lacagtaasi kulaylka ku kala goosteen oo ay qaybsadeen markii ay xabsbiga ku hubsadeen Masuuliyiinta Haatuf.

 

Sidoo kale xubnaha Qax-waysan ee uu lacagta siiyey Baashe Cawil ayaa mid walba hawl-gaar ah fuliyey, kuwaas oo adeegyada ay u qabanayeen u qaybsaday sida ay u kala fulinkaraan iyo mid walba awoodiisa inta ay gaadhayso.

 

Garsooraha dacwaddaasi qaadayey ayaa isagu lacagtaasi ku mutaystay cabudhinta iyo afduubka uu ku jaha-wareeriyey guud ahaan dacwadda, halka ay labada nin ee ka socday Xeer Ilaalinta oo mid ka mid ah ay isku qoys yihiin wasiirka Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun), kuwaas oo iyagu Biriimiyadaasi ku muttaystay inay dacwad si sharci-daro ah ugu soo oogaan guddoomiyaha iyo tafatiraha Haatuf, halka sarkaalka Bilayska ah Mr Ducaale oo isagu ah xubinta 2-aad ee ugu mihiimsanayd fulinta shirqoolkaasi uu isagu lacagta ku xoogsaday inuu xoog ciidan ku kaxeeyo eedaysanayaasha oo iyagu maxkamadda horteeda u yimid inay iska difaacaan eedahaasi.

 

Dhinaca kale xubnahan uu balagga lacagta ah uu u lulay Baashe Cawil ayaa iyagu ah Shabakad isku xidhan oo ku xoogsada dulmiga iyo dhiiga muwaadiniinta Somaliland, kuwaas oo sifo sharciga baalmarsan ugu tagri-fala awoodaha qaran ee ay gacanta ku hayaan, uguna adeega shakhsiyaad uu kaw ka yahay Baashe Cawil oo isagu aan dawladda meelna kaga jirin, wax xil ahna ka haynin balse xididnimo ku mutaystay awoodaha qayrul-caadiga ah ee uu hilfaha ugu laabay xoriyatul-qawlkii Somaliland.