Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 13 2014                                             Rajab 13,1435H     

 

 

 

 

Madaxdhaqameedyada Iyo Waxgaradka Beesha Waqooyiga Hargeysa Oo Xadhiga Masuuliyiinta Haatuf Ku Tilmaamay Afduub, Madaxweyne Siilaanyo-Na Ugu Baaqay Inuu Xoriyadooda Si Degdega Ugu Soo Celiyo

Hargeysa May 12, 2014 (Haatuf) – Madaxdhaqameedyada,  wax garad, aqoonyahanada iyo mujaahidiinta Beesha waqooyiga Hargeysa ayaa cambaarayay xadhiga gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe  iyo Axmed Cali Cige iyo xayiraada ay xukuumada Siilaanyo xaruntii wargeyskaasi xayiraada saartay.

Madaxdhaqameedyada, aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshaasi ayaa sidoo kale xadhiga masuuliyiintaasi iyo xayiraada wargeyskaasi ay xukuumadu kula kacday ku tilmaamay meel ka dhac weyn oo lagu sameeyay xeerkii saxaafada iyo shuruucdii dalka, waxaanay sheegeen in sharci daradaasi lagula dhaqmay masuuliyiinta wargeyska Haatuf iyo xayiraada wargeyska ay xukumadu saartay in talaabadaasi masuuliyadeeda ay leeyihiin masuuliyiinta sharciga dalka ku tuntay, waxaanay ugu baaqeen madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu inay si degdega xoriyadooda ugu soo celiyaan masuuliyiintaasi, isla markaana xayiraada ka qaado xarunta wargeyska.

Sidaana waxay ku sheegeen warsaxaafadeed ay beeshu shalay soo saartay dhamaystiran waxa u dhignaa sidan:-
“Anagoo ah waxgaradka, odayaasha,culumada,qurba-joogta lab iyo dhadig-ba ee bahweynta reer Gadiid. Anagoo ixtiraamayna daris wanaaga beelaha kale:
Markaanu darisnay xeerka saxaafadda ee ay ansixiyeen golayaasha xeer dejinta oo si cad u tilmaamaya hab dhaqanka loo marayo anshax ka xayuubinta saxafiga, iyadoo si cad looga badheedhay oo cadaawad ah in loogu tunto sharafta iyo milgaha saxafiga, iyadoo ay ahayd in la ilaaliyo xeerka saxaafadda.
Markaanu darisanay xeerka ciqaabeedka Soomaaliyeed ee loo adeegsaday oo ah qodobaddan:
1-287 XCG oo leh-Eedayn been ah
2-215 XCG oo leh-Dacaayad ka soo horjeeda oo lidi ku ah wadanka
3-328 XCG oo leh-Daabacadda ama fidinta warar been ah oo khal-khal galinaya deganaashaha dadweynaha
4-269 (2) XCG oo leh – Aflagaado loo geysto laan siyaasi ah ama maamul ah ama garsoor ah
5- 269 Qodobka 2-aad oo leh – Ciqaab la mida ayaa loo cuskan doonaa cida adeegsta isgaadhsiin toos ah ama qoraal ama sawiro la gaadhsiiyo kooxda ama wakiiladood.
Haddaba xeerkan maaha kii loo adeegsan lahaa xeerka saxaafadda waana cadaalad-darro qaawan taasi.
Markaanu ogaanay sida afduubka ah ee loogu diiday difaacii uu xaqa u lahaa muwaadinku iyadoo loo diiday inay difaacaan looyaradiisii u hadlayayna sid ay noo cadeeyeen.
Markaanu ogaanay in lagu xidhay qolkii shabaga ee loogu talo galay argagixisadda isagoon gayin oo ah nin xaq u lahaa inuu si xora isku difaaco taana uu waayay xoriyatal qowlkii xaqa uu u lahaa.
Markaanu eegnay xaaladiisa caafimaad oon wanaagsanayn muwaadinkan lagu xadgudbay hantidiis, xoriyadiisa iyo caafimaadiisaba.
Markaanu ku baraarugnay xaqdaraddan taagan ee si qoto dheerna u lafa gurney, waxaanu cambaaraynaynaa xidhiga sharci-daradda iyo xiniinyo taabadka ah ee lagu waxyeelanay.
1.Jiritaanka xeerarka dhaqan galka ah ee ka soo baxay golayaasha xeer dajinta sida xeerka saxaafadda ee l laalay
2- Waxaanu cambaaraynaynaa oo kale oonu ka soo horjeedna xadhigan afduubka ah ee lagula kacay muwaadinka Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cige
3- Haddii la ilaalin waayo xeerarka iyo milgaha muwadiniinta wixii ka yimaada waxa masuul ka ah cidaa badheedhaysa ee awoodeeda sharciga ku baabinaysa
4- Waxaanu cod dheer ku leenahay ugu dambayn in xoriyadiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha iyo Tafaftiraha xaq-daradda ku xidhan, waana in magdhow iyo raali-galin laga bixiya arrintan foosha xun”.
Magacyada warsaxaafadeedkan ku waxay kala ahaayeen sidantan;-

1-       Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli

2-       Chief Caaqil Axmed Jirde Yuusuf

3-       Caaqil Mustafe Cismaan Caalin

4-       Caaqil Maxamed Cabdilaahi Diiriye

5-       Caaqil Ismaaacil Xaaji Wareer

6-Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore

7-Axmed DaadMahdi Aadan Xaashi
8-Yuusuf Xuseen Xasan
9-Maxamed Nuur Cabdillaahi
10--Ibraahim X.Axmed Ildab
11-C/laahi Cali Yuusuf (xamaraawi)
12-Mujaahid Maxamed Cabdillaahi Ismaaciil
13-Yuusuf Cali Ducaale
14-Axmed Maxamed Rooble
15-Iid Shabeel Cali
16-Axmed Khaliif Cabdi
17-Axmed Jaamac Faarax
18-Maxamed Axmed Muuse
19- Cabdillaahi Ismaaciil Xasan
20-Oday Yuusuf Caydiid
21-Axmed Cal
22-C/risaaq Caqli
23-Axmed Jirde Yuusuf
24-Ismaaciil Yuusuf
25-Mustafe Aadan Cismaan
26-Maxamed Cabdillaahi Diiriye
27-Xuseen Maxamed Rodol
28-Rashiid Cabdi Cali
29-Khaliil Ibraahim Xawaadle
30-Cabdillaahi Gahayr Jaamac
31-Axmed Aadan Cabdi
32- Maxamed Maxamuud Jaamac
33-Cali Muxumed Xirsi
34-Siciid Cumar Xasan
35-Cabdi Cali Mahdi
36- Axmed Ismaaciil Xuseen
37-Xuseen Xasan Aadan
38-Siciid Cali Salaan
39-Dr Yaasiin Cabdi Cismaan
40-Dr Fahad Cumar Carte
41-Dr Najiib Axmed Shunuuf
42-Jiir Cali Madoobe
43-C/kariim Cabdillaahi Xaashi
44-Maxamed Aw-cali