Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 13 2014                                             Rajab 13,1435H     

 

 

 

 

Qaybo Ka Mid Ah Haweenka Ku Dhaqan Degmooyinka Hargeysa Oo Cambaareeyay Xadhiga Masuuliyiinta Haatuf Ee Xukuumada Siilaanyo Kula Kacday
 

Hargeysa May 12, 2014 (Haatuf) – Qaybo ka mid ah haween weynaha ku dhaqan degmooyinka caasimada Hargeysa ayaa ka hadlay xadhiga masuuliyinta wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige ee xukuumada Siilaaanyo xabsiga ugu taxaabtay, isla markaana hore xayiraada u saartay xaruntii wargeyskaasi, waxaanay ku tilmaameen talaabadaasi mid sharci daro ah oo afduub ah, isla markaana ka soo horjeeda distoorka qaranka iyo xeerka ssxaafada ee dhaqangalka ah.

Waxaanay Haweenkani ugu baaqeen madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa inay si degdega oo bilaa shuruud ah xoriyadooda ugu soo celiyaan masuuliyiinta wargeyska Haatuf ee sida shirqoolka ah xabsiga loogu taxaabay isla matkaana Jeelka Gabilay loogu gudbiyay waxaanay sidaasi ku sheegeen kulan ay ku qabteen hotelka Xaraf ee magaalada Hargeysa waxaana baaqaasi haweenka ka mid ahaa:

Markaanu ogaanay sida afduubka ah ee loogu diiday difaacii uu xaqa u lahaa muwaadinku iyadoo loo diiday inay difaacaan looyaradiisii u hadlayayna sid ay noo cadeeyeen.
Markaanu ogaanay in lagu xidhay qolkii shabaga ee loogu talo galay argagixisadda isagoon gayin oo ah nin xaq u lahaa inuu si xora isku difaaco taana uu waayay xoriyatal qowlkii xaqa uu u lahaa.
Markaanu eegnay xaaladiisa caafimaad oon wanaagsanayn muwaadinkan lagu xadgudbay hantidiis, xoriyadiisa iyo caafimaadiisaba.
Markaanu ku baraarugnay xaqdaraddan taagan ee si qoto dheerna u lafa gurney, waxaanu cambaaraynaynaa xidhiga sharci-daradda ah ee lagu waxyeelaynayey.
1.Jiritaanka xeerarka dhaqan galka ah ee ka soo baxay golayaasha xeer dajinta sida xeerka saxaafadda ee l laalay
2- Waxaanu cambaaraynaynaa oo kale oonu ka soo horjeedna xadhigan afduubka ah ee lagula kacay muwaadinka Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cige
3- Haddii la ilaalin waayo xeerarka iyo milgaha muwadiniinta wixii ka yimaada waxa masuul ka ah cidaa badheedhaysa ee awoodeeda sharciga ku baabinaysa
4- Waxaanu cod dheer ku leenahay ugu dambayn in xoriyadiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha iyo Tafaftiraha xaq-daradda ku xidhan, waana in magdhow iyo raali-galin laga bixiya arrintan foosha xun”.

Magacyada haweenkaasi.
1-Shuun Xasan Maxamed

2-Aamina Carab Maxamed
 3-Khadra Askar
4-Sahra Maxamed Cali

 5-Muna Cabdi Cakala
 6-Kowsar Cabdillaahi Yaasiin
 7-Foosiya Cabdillaahi Xirsi
  8-Sahra Jaamac Tukaale
  9-Samsam Quule
  10-Ifrax Cabdi Ruush
  11-Sahra X.Jaamac
  12-Basma Ibrahim Weerar
  13-Khadra Maxamed Mooge
  14-Fahima Maxamed Mooge
  15-Sacdiya Maxamed Mooge
  16--Hibo Cali Muxumed
  17-Safiya Aadan Xaashi
  18-Ruun Faarax Maxamed
  19-Hoodo Cabdillaahi Xasan
  20-Xalimo Cismaan Maxamed
  21-Hinda Masalle