Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 14 2014                                             Rajab 14,1435H     

 

 

 

 

Marwadda Madaxwaynaha Somaliland Oo Huteel Casri Ah Ka Furatay Magaaladda Muqdisho

Hargeysa, May 14, 2014 (Haatuf) – Marwadda madaxwaynaha Somaliland Aamin Sheekh Maxamed Jirde ayaa Huteel casri ah ka furatay magaaladda Muqdisho ee xarunta dalkaasi Somalia, taas oo u wakiilatay meheradaasi haweenay ay habar-yar u tahay oo masuul uga ahayd huteelkeeda ku yaalay dhismaha marxuum Cali Jire ee magaaladda Hargeysa.

Haweenaydan wakiilka uga ah huteelkaasi ayaa waxa qaba nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse si wayn u taabacsan mabda’a Soomaaliwayn, kaas oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Saalax, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dhamaan dawladihii u kala danbeeyey Somaliland ilaa tii Carta, balse imika aan wax xil ah haynin oo ku xoogsada xidhiidhinta madaxtooyooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Sidoo kale dhamaan qalabka lagu furay Huteelka magaaladda Muqdisho ay ka furatay marwo Aamino Waris ayaa waxa laga qaaday magaaladda Hargeysa ka dib markii uu sidii la rabay u socon-waayey huteelkeeda magaaladda Hargeysa, iyada oo ay qalabkaasi u badan yihiin alaabtii ay shirkadda Telesom ka keentay dalka China markii ay dib u casriyeynta ku samaynaysay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Dhinaca kale Xuseen Saalax oo ah ninka qaba haweenayda ay marwadda Madaxwayne Siilaanyo habar-yarta u tahay ayaa isagu labadii sano ee u danbeeyey degenaa guriga madaxwayne Siilaanyo ee magaaladda Hargeysa ee xaafadda shacabka.

Furitaanka Huteelka casriga ah ee marwo Aamino Waris ka furatay magaaladda Muqdisho ayaa waxa door mihiim ah ka ciyaaray wakiilka jaaliyadda beelaha Hawiye ee Somaliland Mr Cumar Biinde, kaas oo sidoo kale door laxaad leh ku lahaa imaatinkii madaxdhaqmeedkii Somalia ee dhawaan dalka yimid, isla markaana hawlo badan u fududeeya madaxtooyada Somaliland iyo ta Xasan Culusow-ba.

Dhinaca kale arrintan ayaa waxa ka danbaysay dano dhaqaale maadaama oo Huteeladu ay magaaladda Muqdisho ay sameeyaan lacag adag, iyada oo huteelada dabaqada dhexe ee Xamar habeenkii lagu seexdo midkiiba $150, isla markaana qofka la damaanad-qaadayo amaankiisa iyo guud ahaan adeegyada mihiimka ah ee u baahan yahay, ayna ciidan badani ku ilaalinayaan halkiisa.