Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 14 2014                                             Rajab 14,1435H     

 

 

 

 

Somaliland Uun Bay Ka Dhacdaa Faallo; Axmed Aadan Maxamed Qaybta 2 Aad

Sidii aanu ku soo qaadanay qaybtii 1 aad ee qormadani waxaa aanu soo sheegnay khatarta iyo  cawaaqib  xumada ka dhalan karta go’aankii u Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland qaatay   kaas oo u shirka Jabuuti ka dhacaya uu u magacaabay laba xubnood oo xambaarsan ama aaminsan fikirka Wahaabiyada ee takfiiriga ah ee xagjirka ah ee baneeyaa xalaaleeya dhiiga Muslimka.

Qormadan labaadse waxaa aanu ku qaadan doonaa dhacdooyin iyo hagardaamooyinka ay wadaan  xubnaha sharka  ee Somailand la doonayaa halaaga iyo in uu Somalilanderaka uu walaakii dhiigiisa daadiyo.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa Wasaarad Diin iyo Awqaaf ee dal kasta oo islaam ah uu leeyahay lagu talagalo in ay ka hawlgalaan culimo aaminsan diinta islaamka ee saxda ah iyo mabaadiida guud ee ay ina fareyso , waxaa ayaan daro ah in manta ay ka taaliyaan  Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland in urur dimeed xagjir ah oo la yidhahdo Al Ictisaam oo gacan saar la leh ururka Al shabaab ee argagixisada ee ka midka ah shabakada  Al qaacida ayaa  hawlaha shaqo iyo barnaamijyada iyo dhaqaalaha Wasaaraddaba uu la wareegay  isaga oo Wasaaradda Magaceeda  gabood ka dhiganayaa oo faafinayaa fikir xagjirnimo oo ku cusub dadkeena iyo dalkeena kaas oo ah “Wahaabiya” .

 

Diintan cusub ee nimankan ku xidhan dalka laga waarido fikirka wahaabiga ee xagjirka ah “Boqortooyada Sacuudiga”  iyo safaaradaheeda ay mandiqada ku leedahay gaar ahaan ta Jabuuti  iyo  safiirka Wahaabiyada iyo cimaamadan cas ee ay caanka ku tahay  gaar ahaan Mr.Al xakami  oo ah ninka Doolarka iyo  Geela Cas cas u soo dirayaa xubnahan  fara ku tirsaka ah ee Xagjirka ee k u dhaqan Somaliland waxaa u dajisan ajande iyo qorshe ay ku doonayaan in ay umadan aaminsan  madhabka shaaficiga ee qunyar socdaka ah doonayana in ay u dhalin rogaan Madhabka Xanbaliga ah ayaa  waxay boqortooyada wahaabiyada ka soo qaataan awaamiirta iyo tilmaamaha sidii ay u fuushan lahaayeen ajandahooda.

 

 Waxaa kalo la heli karaa hadii la raaco cagtana loo saaro nimankani waxay dajiyeen qorshe ay ugu tallo galeen in ay Masaajidada waaweyn ee Magaalooyinka Somaliland ku yaala in ay la wareegaan si fikirkan wahaabiga ah ee xagjirka ah ay ku dhax faafiyaan mujtamaca Somaliland , waxa kalo ay sameeyeen madaariis iyo iskuulo u gaar ah Dumarka iyo caruurta oo ay doolarka kaga gurtaan una adeegsadaan faafinta fikirgan xagjirka ah madaama ay yihiin labada qaybood ee ugu nugul ee wax lagu shubi karo waxna la gashan karo.

 

Walaalkaygan Somalilander ka ah ee war bixintani akhriyayaa waxaan tusi lahaa tilmaam yar oo ah goobaha ay duliimaadka ku yihiin waxaana ka mid ah

 

1-Jaamicadaha

 

2-Masaajidada

 

3-Goobaha wax barashada ee kale duwan  iyaga oo sheegta in ay ku xeel dheer yihiin sameynta Research ku saabsan culuumta fiqhiga ah ee kala  duwan iyo culuumta shareecada islaamka.

 

4-War faafinta

 

5-Maxkamadaha sharciga islaamka ee meel walba ka furan

 

6- ta ugu darana ay tahay Wasaaradda Diiinta iyo awqaafta ee dalkan

 

Akhriste  waxaan suaaal ku weydiin lahaa halkee baaan aniga iyo adiguna ku maqnayn markii wahaabiyadu ay dalkeena sidaasi u galayso maxaase waajib inagu ah?

 

Hadii aan soo qaadano Wasaaradan ibtilaysan ee Diinta iyo awqaafta iyo sestemkan qabsaday waxaa marag ma doon ah in xukuumadan manta jirta ay u sahashay in ay koox fikir argagixiso aaminsan ay talada wasaaradda la wareegto , waxaa la yaab leh oo karaamo dhac ku ah qaranimada Somaliland ee 23 jirka ah in dad xagjir ah oo caalamkaba ay khaatiyaan kala joogaan oo meel qarisaa daydaysaa in ay manta masiirka Wasaarad halbowle u ah dalka in ay la wareegaan oo waliba Wasiirkeedu intuu xishoodkaba ka baxay oo uu isku habarwacday in dharaar cad uu shir Hargeisa gudaheeda ah oo kooxda Al ictisaam ee gacan saarka la leh Al shabaab uu walibana isagu xubin ka yahay uu u sahlo in ay shirkooda ku qabsadaan Hotel Ambasadoor ee ku yaala konfurta magaalada Hargeisa.

 

Waxaa laga hayaa nin Udub tii hore ay nafta isku keentay in maalintii Kulmiye loo caleemo saarayay in uu ka taliyo dalkan uu ku hadaaqay hadalo  ay ka mid yihiin waxaa yimi Nasri,Nasri,Nasri isaga oo laba bilood ka hor uun jeelka Hargeisa laga sii daayay markaas, isaga oo ku edeysnaa falal argagaxsinimo ah .

 

Maantase reer Somaliland maxaa la gudboon?

 

Ma waxay daawan doonaan marka calanka Somaliland fagaarayaasha laga dajiyo badelkiisana la sudho calanka wahaabiyada Mr Al Xakamina uu noqdo Maddexweynaha Jamhuuriyadan Somaliand.

 

Walaahi anigu yaaaabeeeey.

 

Faaladana u yara kaadiyo inta taxanaheenu dhamaanayo.

 

Allaa Mahad leh………..