Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 15 2014                                             Rajab 14,1435H     

 

 

 

 

Dib U Milicso Booqashadii Siilaanyo Ee 2007-Dii Ee Suxufiyiintii Haatuf Ee Ku Xidhnaa Madheera Iyo Dareenadda Ku Lamaan Ficilkiisa Maanta

Labadii Sarkaal Ee 2/1/2007-Dii Weeraray Xarunta Haatuf Ayaa Markale 7/4/2014-Kii Dib U Weeraray Isla Wargeys-Kaas, Kuwaas Oo 2/5/2014-Kii Gudaha Maxkamadda Ka Dhex Qabtay Masuuliyiinta Haatuf Ka Dibna Xabsiga U Taxaabay

Hargeysa, May 15, 2014 (Haatuf) –Siilaanyo ayaa  bishii March ee sanadkii 2007-dii isaga oo Guddoomiye u ah xisbiga Kulmiye waxa uu xabsiga Madheera ku booqday Guddoomiyaha, Tafatirihii xiligaas ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cali Cabdi Diini iyo Maxamed Cumar oo ahaa wariyihii gobolka Awdal ee wargeyska Haatuf, kuwaas oo halkaasi mudo 3 bilood ah ugu xidhnaa sidan oo kale warar  musuqmaasuq oo ay ku soo bandhigeen inay faraha kula jiraan masuuliyiintii xukuumadii Rayaale.

Inkasta oo Siilaanyo iyo masuuliyiintii kale ee Kulmiye ee la socday ay booqashadaasi fasax uga soo qaateen taliskii Asluubta ee Hargeysa, hadana tagitaankooda Madheera wuxuu galaaftay taliyihii xabsigaasi ee xiligaa Muuse Qoorsheel, taas oo la sheegay in Madaxwayne Rayaale si wayn uga cadhooday sidii diiranayd ee waftiga Kulmiye loogu soo dhaweeyey xabsiga Madheera.

Sidoo kale markii xisbiga Kulmiye guulaystay doorashadii 2010-kii ee Siilaanyo noqday madaxwaynaha Jamhuuriaydda Somaliland waxa Qoorsheel dib loogu soo celiyey jagadiisii Taliye-nimada Xabsiga Madheera.

Hadaba horaantii bishan May waxa Muuse Qoorsheel loo magacaabay inuu noqdo taliyaha xabsiga dhexe ee magaaladdda Hargeysa, halkaas oo 10/5/2014 loogu keenay mar kale Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatiraha Haatuf Axmed Cali Cige oo uu doorkan soo xidhay Axmed Siilaanyo-yihii sida way cambaarayn-jiray tacadigii ay xukuumadii Rayaale u gaysan-jirtay warbaahinta, isaga oo madaxwayne-nimo nasiibkiisu ku simay, taas oo la odhankaro waxay ka ahayd af-gobaadsi iyo awrkaaga ku kiciso.

Dhinaca kale waxa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatiraha Haatuf xabsiga magaaladda Gabiley geeyey labadii Sarkaal ee 2/1/2007-dii ku weeraray xarunta Wargeyska Haatuf ee dabadeed u taxaabay Jeelka Madheera ee hadana 7/4/2014-kii ku weeraray Xarunta Haatuf oo dabadeed 2/5/2014-ka ku qabtay Maxkamadda Hargeysa oo xabsiga dhexe ee caasimadda u taxaabay, kuwaas oo kala ahaa Ina Fadal iyo maxamuud Ducaale.

Hadaba hadaad wali rumaysan tahay in Siilaanyo isbedel samaynkaro ogow inaanu lahayn hal-abuurnimo uu bulshadda ku horkici-karo oo isbedel macno leh keeni karta.