Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 15 2014                                             Rajab 14,1435H     

 

 

 

 

Madaxdhaqameedyada Iyo Siyaasiyiinta Beesha Habar Jeclo Oo Afka Ka Xidhay Inay Ka Hadlaan Xadhiga & Xayiraada Ay Xukuumada Siilaanyo Iskugu Dartay Haatuf

Hargeysa May 14, 2014 (Haatuf)-  Madaxdhaqameedyada iyo siyaasiyiinta beesha bariga Buro (Habar Jeclo) ayaa afka ka xidhay inay ka hadlaan xadhiga masuuliyiinta Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali iyo xariyaada ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay kula wareegtay xaruntii wargeyskaasi.

Waxaana la sheegay in heshiis buuxa ay ku wada madaxdhaqameedyada iyo siyaasiyiinta aan xilalka ka hayn xukuumada Siilaanyo ee ka soo jeeda  beesha Habar Jeclo inaanay ka hadal xadhiga iyo xayiraada sharci darada ah ee madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ku fuliyeen wargeyska madaxabanaan ee Haatuf iyo masuuliyiintii.

Waxaanay ilo wareedyadu sheegeen in madaxdhaqameedyo uu ka mid yahay Boqor Cismaan Buur Madow la sheegay in ay u cadeeyeen madaxweyne Siilaayo in gar iyo gardaraba ay ku taageersan yihiin talaabada ay xukuumadiisu ku xayirtay wargeysyada madaxabanaan ee Haatuf iyo Hubaal, isla markaana ay xabsiga u taxaabtay masuuliyiinta wargeyska Haatuf.

Ilaa hada ma jiro madaxdhaqameed iyo siyaasi kaliya oo ka soo jeeda beesha Habar Jeclo oo ka hadlay xayiraada iyo xadhiga xukuumada Siilaanyo iskugu daray Haatuf iyo Hubaal, iyadoo la ogyahayna in xisbiyada mucaaridka ah ee Wadani, Ucid iyo ururada xuquuqul iinsaanka iyo madaxdhaqameedyo tiro badan oo ka soo jeeda beelaha Somaliland ay cambaareeyeen talaabada qalafsan ee sharci darada ah ee madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay ku cabidhisay saxaafada madaxabanaan.

Dhinaca kale shacbiga Somaliland ee kula dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa  ayaa isweydiinaya asbaabaha keenay taageerada dadban ee madaxdhaqameedyada beesha Habar jeclo ay u muujiyeen habdhaqanada qalafsan ee sharci darada ah ee maamulkasiilaanyo uu ku hayo warbaahinta madaxa banaan.