Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 17 2014                                             Rajab 16,1435H     

 

 

 

 

“Waxa Maanta God Madow 18-Ka May Ku Xusaya Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, Oo U Xidhan Wiilka Yar Ee La Yidhaa Baashe Cawil”Guddoomiye Ku Xigeenka 3-Aad Ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray

Hargeysa, May 17, 2014 (Haatufl) – Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka dareen Celiyay yaabna ka muujiyay qiiro bilaashta Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka muujisay dayacaya iyo duugsiga xuquuqda mujaahidiintii SNM ee  taariikhda ku lahaa dalka.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay Boggiisa Facebook,waxaanu yidhi “IIGA DAA DIGASHADU BAROORDIIQ IIMA NOQOTO EH; Waxan la yaabay hadalada kuligood ba aan odhan karo waxay ahaayeen qiiro bilaash ah iyo is yeel yeel aan aniga xagayga wax micno ah ii yeelan karin ee madaxda ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Silanyo ay ka jeediyeen madal la yidhi waxa qaraamaad loogu ururinayay mujaahidiinta tawsta iyo tabaalaha la hoganaya gidaarada, gaar ahaan, kuwii ay dhaawacyada culculusi ka soo gaadheen dagaalkii hubaysnaa ey la galeen cidamadii Taliskii Siyaad Barre. Kharashka safarada madaxda iyo ka qosliyayaasha madxda ku baxa ee loogu kala diro daafaha dunida si ay uga qayb galaan xuska 18 May ayaa mudnaan lahaa in daryeel loogu sameeyo mujaahidiinta ay madaxdu ka hadleen . Ujeedada safarka mdaxda ee xiligan ayaa la og yahay inay ka tahay dalxiis, temeshle iyo tumasho keliya oo ay lacag badan oo ka mid ah cashuurta masaakiinta dan yarta ah laga qaadaa ay ku baxdo. Waxa ka daran inta noo heesa kharash lagu bixinayo.

Xukuumadda Silanyo intii ay jirtay laba mujaahid oo keliya oo labadu ba ay ka mid ahaayeen ragii ugu horeeyay ee SNM ka mid noqda ayaa xukuumadda Silanyo fooda mar geliyay wixii ku dhacay na isaga sheekayn mayno. Waa Maxamed Xaashi Cilmi iyo Boobe Yussuf Ducaalle. God madow na waxa maanta ku xusaya 18 May Muj. Yussuf Cabdi Gaboobe oo u xidhan wiilka yar ee la yidhaa Baashe Cawil oo ka tirsan qoyska madaxwayne Silanyo iyo Wasiirka Macdanta oo adeer uu u yahay. Xukuumadda Mujaahidka ee mujaahid-diidka ah waa looga dhaartay mujaahidiintii SNM iyagu na dan iyo muraad kama laha.

Sidaa daraadeed aniga oo mujaahidiinta ila aragtida ah afkooda ku hadlaya fariinta xuska 18 May aan halkan Madaxwayne Silaanyo uga dirayaa waxay tahay;

BOGAYGA WARAN BAAD BADHEEDH KU JARTEE

BAGAAD II DISHOONAD II BIXIN”.