Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 18 2014                                             Rajab 16,1435H     

 

 

 

 

“Intaynu Meel-Xadkaa Qabsano Gorgortan Ma La Galnaa Siyaad Barre……..”Siilaanyo Oo Intuu Ka Muquurtay Golihii Dhexe Ee SNM Sanadkii 1986-kii La Hadlaya Odayaal Uu Iskugu Yeedhay Awaare Si Ay Ugu Saxeexaan Wada-Hadalo Uu La Gallo Taliskii Siyaad Barre Oo Uu Ku Noqdo Raysal-Wasaaraha Soomaaliya

Hargeysa, May 17, 2014 (Haatuf) – “Intaynu Meel-Xadkaa Qabsano Gorgortan Ma La Galnaa Siyaad Barre……..”Siilaanyo Oo Intuu Ka Muquurtay Golihii Dhexe Ee SNM Sanadkii 1986-kii La Hadlaya Odayaal Uu Iskugu Yeedhay Deegaanka Awaare Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo masaafad 100 Mayl ah dhinaca koonfureed kaga beegan magaaladda Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland.

Axmed Siilaanyo ayaa wakhtigaas doonayey inay u saxeexaan  Odayaashaas Wada-Hadalo Uu La Gallo Taliskii dhiigyo-cabka ahaa ee Siyaad Barre si taa badelkeeda u noqdo Raysal-Wasaaraha Soomaaliya.

Kala soco Haatuf qoraalo iyo dhacdooyin badan oo ku taxaluqa isku  dayo badan oo uu Madaxwayne Siilaanyo wakhtiyo kala duwan iyo goobo kala duwan lagaga guntay, kuwaas oo intooda badan uu ku fashilmay, isla markaana aanay waxba uga suurta-galin.