Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 18 2014                                             Rajab 16,1435H     

 

 

 

 

Somaliland Uun Bay Ka Dhacdaa Faallo; Axmed Aadan Maxamed Qaybta 3 aad

Waa qormadii saddexaad ee taxanaheena Somaliland uun bay ka dhacdaa oo aanu uga gun leenahay in shacabka Somaliland ee qiimaha weyn ugu fadhido dawladnimadu iyo maddexbanaanidu in ay kala socdaan dhacdooyin iyo shirqoolo loo maleegayo dalkan iyo dadkan reer Somaliland oo ay u maleegayaan wadaado isku habarwacday oo ka tirsan urur diimeedyo xag jir ah .

Waxaan qormadan ku soo qaadan doono dhacdooyin kale oo kuwii hore daba socda taxane u ah waxaanu ku bilaabaynaa arrimahan soo socdaa.

Dhacdo la yaab leh oo sanadkii 1989 kii xiligii uu dalka ka talin jiray rijiimkii macangaga ahaa ee kali talisnimada ku sifoobay goobtuna waxay ahayd tuuladii Dul cad ee aanu ku qaxnay dadkeeni rijiimkii uu ka qixiyay magaalooyinkii iyo tooloyinkii ay daganaayeen isla markaana xudun u ahayd xaq u dirirka SNM waxaa dhacday in niman dhalinyaro ah oo is abaabulay si ay ku biiraan tababar meliteri  oo SNM bixineysay si la soo saaro ciidan tababaran oo la dagaalama ciidamadii faqashta ayaa waxa lama filaan ah ku dhacay dhalinyaradii kaaso laga hor istaagay in ay ku biiraan kana mid noqdaan tababarkaasi  meleteri , goobtaasi waxaa yini nin wadaad isu sheegaya oo khudbad diiniya u  jeediyay waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “ labadan ciidan ee dagaalamayaa labaduba waa gaalo” isagoo intaasi raaciyay hadalo deelqaaf ah iyo sharaf ka dhac ah u soo jeediyay mujaahidiintii SNM ee naftooda u huray si ay dadka iyo dalkaba u xureeyaan isagoo ku sifeeyay in ay yihiin gaalo , dhalin yaradii xamaaseydsanayd hadalkaasi dhag umay dhigin oo tababarkii bay ku biireen, sheekadaasi waxaa ka soo wareegeey 25 sanno , waxaa maalin maalmaha ka mid ah dhacday in isla qaar ka mid ah dhalinyaradii maalintaasi loo khudbadeenayay loona sheegayay in uu halganku xaaraan yahay  iyaga oo naafo oo baahina hayso waxay u tageen hay’ad samafal oo khayriya si ay uga soo qaataan kaalmooyin iyo raashin, nasiib darese kaalamadaasi waa loo diiday hadalo deelqaafna laga daba tuuray , haddaba waxaa cajiib ah in ninkii wadaad ku sheega ahaa ee inamadan u khudbadeenayay  u noqday ninkii hay’adda ay kaalamada ka doonteen maddexdeeda, ninkaasi wadaad ku sheega oo manta magaalada Hargeisa ku dhax wata saddex gaadhi oo kala gadisan oo cusub toban gurina dhistay afar dumar ahna qabaa bakhaaro camirana ku leeyahay  badhtamaha magaalada Hargeisa mushahar ahaana wuxuu hay’adaasi ka qaata 15.000 oo dollar bishii .

Wadaad ku sheegaasi ee maalintii halganka qadhaadh socday aanu ka qayb galin halgankaasi waliba lidi ku ahaa af iyo adinba uu maanta ku raaxeysanayo midhihii iyo tacabkii umada reer Somaliland gaar ahaan mujaahidiinta SNM ilaahay ka sokow lahaa guusha iyada oo ubadkii iyo maatidii SNM maanta maalin ka xun aanay soo marin oo ay dhulka yaalan cidina u naxaynin ilaahay mooyaane.

Ninkan wadaad ku sheega ah wuxuu maanta ka mid yahay maddexda sar sare ee urur dimeedka xag jirka ah ee Al ictisaam ee ka tirsan ururka Al shabaab ee ka midka ah shabakada Al qaacida.

Urur dimeedkan xagjirka ah ayaa maanta dhaqaalihii dalka gacanta ku hayaa haday tahay isgaadhsiin , xawaalado, iskuulo, jaamicado maherado iyo qaybta wacyi galinta ee lagu tallo galay dadweynahaa ta ugu darana waxay xalaaleysteen oo ay boobeen Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee dalkan iyaga oo u yeedhay dhamaan wadaado isku sheeg jaamicadaha dalka Wahaabiyada ee sacuudiga ka qalin jabiyay in ay la wareegaan laamaha wasaarada oo dhan oo maanta hadii akhriste aad booqato xarunta wasaaradan ee Caasimada Hargeisa waxaa kaa soo hor baxayaa nooci aan sheegnay oo fadhiyaa xafiisyo goglan oo rogag cas cas loo dhigay halka ay ka ahayd in xafiisyadan sida la yaabka leh loo goglay ay fadhiistaan culimadii qunyar socdka ahayd ee u tudheysay dadka iyo dalka manhajka saxda ah ku dhaqmeysay umadana ku dhaqeysay.

Laakin waxaa ayaan daro ah in culimadii labaatanka sanno ee ay wasaaradani jirtay ka hawlgalayey ee waliba inta haldoorka ah ay maanta fadhiyaan laguna ooday hal makhsin sidii badeecad aan la doonayn in ay ka muuqdaan Wasaaradda  waayo waa sida ay wadaadani qabaan waa rajciyiin oo ma sameyn karaan horumar iyo wax soo saar dhinaca culuumta sharci ee diinta.

Maanta Somalland xag jir nimadii baa ku faaftay oo waxaa sabab u ah in Wasaaradii diinta iyo awqaafta ay la wareegeen wadaado xag jir ah oo faafinayaa madhabka Wahaabiga ah ee laga soo waariday Boqortooyada sacuudiga kaaso baneenayaa oo xalaaleynayaa dhiig muslimka iyo falalka argagaxsinimo oo dhan .

Hadii aanu ku soo noqo qormadii kobaad ee aanu ku daah furnay eek u saabsanayd shirka lagu qabanayo dalka Jabuuti ee ka hortaga afkaarta xagjirnimada ah ee wasiirka awqaafta Somaliland uu labadii xubnood ee ka tirsanaa urur diimeedka ay wadagaan ee Al ictisaam ee xag jirka ah waxaa go’aanka ka qayb galka labadan xubnood lagu gaadhay shir ka dhacay magaalada hargeisa gole la yidhahdo golaha shuurada ee ururka Al ictisaam iyaga oo laga qayb galinayay isgaadhsiinta dhamaan xubnaha Al ictisam ee Moqdisho iyo Bosaaso , waxaa ka mid ah sh Bashiir Salaad  ninka la yidhahdo Cabdilwaaxid oo ah gudoomiyaha Hay’ada Manhal , go’aamada shirkaasi ka soo baxayna ay tahay in shirka jabuuti jahwareer iyo fowdo la galiyo si aan uga soo bixin go’aan la isku raaco oo kaga hortagayaa xagjirnimada .

Fariin.

Dawlada Jabuuti waxaa waajib ku ah madaama ay hawshan culus ee ay dhabarka u ridatay si ay mandiqadani ay ku nolaan  lahayd daganaasho    waxaa ku waajib ah in labadaasi xubnood ee Somaliland ka imanaya aanay u ogolaan dalkeeda in ay soo galaan iska daa shir ay ka qayb galaane madaama oo nimankaasi ay khatar ku yihiin amniga dalka jabuuti oo waxba kuma ahaa in ay shirkaba ka dhigaan shir lagu taageerayo xagjirnimada oo waliba wahaabiyadu ay saldhig diblumaasiyadeed ku leedahay meel aan sidaasiba ka fogayn goobta shirku ka dhacayaoo oo Mr Al xakami oo ah ninka u qaabilsan arrimaha diinta ee Safaarada sacuudiga ee jibuuti u joogo.

Wararka na soo gaadhayaa ayaa sheegayaa in ay balani jirto oo lagu balansan yahay in ay labadan xubnood iyo Mr Al xakami in ay ku kulmaan dalka Jabuuti taasina waxaa ka soo dhax baxayaa weerarka ay argagixisadu ku hayaan shirkan jabuuti ka dhacaaya sidii loo burburin lahaa .

La soco qayb 4 aad