Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 20 2014                                             Rajab 16,1435H     

 

 

 

 

Wariyaha Caanka Ah Ee BBC-Da Ee Dan Damon Oo Maxamed Biixi Yoonis Kaga Kabash-Kabashsiiyey Markii Uu Waydiiyey Inuu Is-Sharaxayo Kol Hadii Caafimaadka Siilaanyo Aanu Wanaagsanayn

Hargeysa, May 19, 2014 (Haatuf) - Wariyaha caanka ah ee BBC-da ee Dan Damon ayaa kaga kabash-kabash siiyey wasiirka khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis markii uu waydiiyey inuu isku soo sharaxi doono jagadda madaxwaynaha kol hadii caafimaadka madaxwayne Siilaanyo aanu wanaagsanayn.

Dan Damon oo Maxamed Biixi shalay ku waraystay barnaamijkiisa World Update ee BBC-da ayaa su’aashii ugu danbaysay ee uu wasiirka waydiiyey ahayd in kol hadii aanu caafimaadka Siilaanyo wanaagsanayn uu Maxamed Biixi Yoonis ahaan isa soo sharixi doono doorashadda madaxtinimadda dalka ee soo socota iyo in kale.

Mr Biixi Yoonis oo ku margaday su’aashaas uu  Wariyuhu la gaadday ayaa isagoo isku dayey inuu ka jawaabo waxa uu ku celceliyey inuu Madaxwayne Siilaanyo caafimaadkiisu taam yahay oo uu si wanaagsan u guto kaalintiisa hogaaamineed ee dalka oo aanay waxba ka jirin warkan uu Dan Damon hayo ee ahaa “Silanyo He is not Well” ama  Af-Soomaali ahaan ah Siilaanyo caafimaadkiisa ma wanaagsana.

Wariyaha oo soo khatimaya waraysigaas ayaa wuxuu kaga baxayaa Tacliiq (Comment) uu jawaabtan Wasiirka ku tilmaamayo mid ka dhignayd daacadnimo-muujin (King of Loyalty).

Waa markii ugu horayaysay ee warbaahin caalami ahi ay soo hadal-qaado caafimaadka madaxwayne Siilaanyo, oo ay waliba ku tilmaamto inaanu wanaaagsanayn.

Inkasta oo arrinta caafimaadka Siilaanyo ay ahayd mid mar walba taagnayd oo ay dadku aad wax iskaga waydiinayeen afartii sanadood ee uu xilka soo  hayey, hadana xukuumadda ayaan marna Rayul-caamka ka shaafiyin shakigan ay ka qabaan caafimaadka hogaamiyihii ay doorteen iyadoo ay soo if-baxayeen astaamo muujinaya in taladii dalku gacanta u gashay ashqaas ka mid ah caa’ilada madaxwaynaha oo iyagu la wareegay awoodii madaxwaynaha, taas oo la filayo inay Siilaanyo ku noqoto warran loo adeegsado hadii uu shanta shanto sano ee danbe isa soo sharaxo.