Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 21 2014                                             Rajab 21,1435H     

 

 

 

 

Somaliland Uun Bay Ka Dhacdaa? Qalinkii Axmed Aadan Maxamed (Qaybta 5-Aad)

Marka hore waxaan akhristayasha reer Somaliland gaar ahaan kuwa la socdaa taxanaheenan waxaan hawada u soo marinayaa hambelyo iyo bugaadin ku saabsan maalinta Qaranimada iyo Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland ee dhiiga badan loo huray si loo heli lahaa , runtii waa maalin farxad leh oo dareen ku abuureysa cid walba oo ka daacad ah qadiyada Somaliland aaminsana xaqa ay u leeyyihiin shicibweynaha reer Somaliland xusida maalinta qiimaha mudan ee 18 May .

Manta waxaa aanu dul mari doona dhacdooyinkii taxanaha ahaa ee nmankan mashruuca nagu soo qaatey ee wadadaado isku sheega ee laga maamulo magaalada Riyad caasimada Sacuudiga oo ah saldhiga wahaabiyada oo dawlada Somailand gudaheedana awood muuqata ku leh iyo xubno firfircoon waxaana ka mid ah dhacdooyinkaasi gaar ahaan marka la eego qaybta iskuulada ay gacata ku hayaan maamulayaan ee dhamaan dalka Somaliland oo dhana ka furan waxaa ka mid ah sidan soo socota:-

Wasaaradda Wax barashada ee Somaliland iyo guud ahaan wasaaradaha dalka oo dhan maalintan qiimaha leh ee 18 May fasax laga yahay shaqada waxaa nasiib daro ah in iskuuladan ay xagjirtu maamusho maalintan qiimaha leh ee lagu tallo galay in ardaydu ay ka qayb galaan damaashaadka iyo dabaaldaga ka socda dalka oo dhan iyaga oo qaybtooda ka qaadanayaa xusida maalintan weyn ee 18 may  in lagu soo rogay in maalinta 18 May aanu fasax ka  jirin iskuulada ay maamulaan taas oo ay macnaheedu tahay oo xaqiiq ah in nimankan aanay aaminsanaynba  guud ahaan gooni isu taaga Somaliland iyo qadiyadan reer Somaliand ee siiya lacagta fiiga ah ee ardaydooda ka bixiyaan waxaana kaaga daran waliba in lagu aaminay jiil dhan si ay wax u baraan laakinse waxaay ardaydaasi galiyeen oo ay ku shubaan fikriga xagjirnimada iyo naceebshaha Somaliland taasina waxaa daliil u ah kilmadii ay ku dhaartaan ee la yidhaa

 

ولاء القسم"اقسم باللة العظيم على طاعة الامير فى المكره والمنشط"

 

Akhriste inta badan iskuuladan ay nimankani gacanta ku hayaan waxaa laga dhisay tabarucaad ama taakulooyin dalalka khaliijka ah ka yimaada ee dad muxsiniin ah aakhiradooda ku doonayaa in ay wax kaga helaan ayaa nimankii waxay u rogeen tabarucaadka dadka muslimiinta in ay ku dhistaan hanta u gaar ah kuna tagrifashaan xoolaha sadaqada ah ee loo soo diro iskuuladiiina u rogay sidii xero meleteri oo ku yaala Toraboora lagu shubo maskaxda ardayda fikrado xambaarsan qaran dumis iyo xagjirnimo

Tusaale bal akhriste wali ma booqat iskuul ka mid ah iskuulada oo ma la yara shekeysatay ardayda wax ka barata halkaasi waxaad la kulmi lahayd tafajac iyo amakaag waa juudhiba horta marka aad gasho barxada iskuulka kuma arkaysid astaan qaranka Somaliland haday noqoto callankii ama sawirada madexda qaranka dhagahaaguna maqli maayaan heesta calanka somalilad taasi waa kow.

Ta labaad marka aad gudaha u dhaaftid ishaadu kuma dhacayso manhajkii wax barashada ee Wasaaaradda wax barashada Somaliland ugu tallo gashay iskuuladan heerarkoodu kala duwan yahay inta badana waxay been ka sheegaan in ay dhigaan manhajka Somaliland .

Akhriste manhajka uu arday walba sito hadii aad u fiirsato waa manhajkii wahaabiyada oo Sacuudiga laga soo waariday kaaso baraya xagjirnimada iyo is qarxinta iyo ardaygii oo lagu shubay fikradii Somaliweyn oo marka aad ardayga wax ka weydiiso halganka oo kale haba yaraate wax fikrad ah ka haysanin waliba waxaa la galiyay fikrad qaldan oo ah in dadkii mujaahidiintii SNM ay yihiin dad ridoobay oo la dagaalamay maamulkii xaqa ahaa oo ay uga jeedaan kaliye taliskii Siyaad Bare .

Waxaad kaloo arki doonto iskuuladan dhaxdooda ay ka muuqdaan macalimiin aan u dhalan reer Somaliland gaar ahaan ka yimi kililka shanaad ee etoobiya “Ogaadeen” iyo konfurta Somalia si ay ardayda ay galiyaan nacebshaha Somaliland.

Tusaale gobalka Maroodi jeex waxaa a furan 800 oo madrasadood oo diiniya ardayda wax ka baratana waxay gaadhaan 100,000 “boqol kun oo arday oo da’doodu kala duwan tahay walaa Wasaarad wax barasho ayaan ogayn waxaa ardaydasi loo dhigo iyo cda wax u dhigta toona  waxaasarada diinta iyo awqaafta ayay kutubta ka qaataan sida la ogsoon yahay in Wasaaradda Diinta iyo awqaaftu uu la wareegay urur dimeed xagjir ah oo la yidahdo Al ictisaam oo ah aabaha Al shabaab ee xagjirka ah ee ka mid ah shabakada Al qaacda , Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Khaliil Cabdilaahi Axmed oo xubin firfircoon ka mid ah ururkaasi xagjirka ah ayaa gacan mug leh siiya iskuulada dalka ee nimankaasi gacanta ku hayaan waxyaabo badana u sahla .

Waxaa xusid mudan oo daliil ku filan ah in nimankaasi aanay Somaliland ba aaminsanayn iyada oo xalay la xusayay maalintii  18 May sanad guuradii 23 aad ee qaranimada Somaliland oo inta badan wasiirada golaha ku jiraa ay ka qayb galaan hadii aanay safar ku maqnayn uu Wasiir khaliil aanu waligii ka qayb galin munaasibad 18 may iyo munaasibad walba oo cinwaankeedu yahay gooni isu tag Somaliland.

Akhriste miyaanay taasi ceeb iyo sharaf daro ku filan ku ahayn manta xukuumada u hogaaminayo Mujaahid Axmed Silaanyo in manta golihiisa ka dhax dilaacaan niman aan aaminsanay wuxuu Axmed Silaanyo shalay u soo halgamayay.

 

Anigu yaabay?

 

La soco qaybta 6 aad