Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 21 2014                                             Rajab 21,1435H     

 

 

 

 

Boqortooyada  Sacuudiga Iyo Dalka Qadar Oo Col Ah Oo U Heshiiyey Somaliland, Maxayse Sababtu Tahay? Faallo: Maxamed Cabdi Raage

Waxaa maalmahan Somaliland ka socday loolan iyo tartan ka dhaxeeyaa dalka inoo soo waarida Wahaabiyada xag jirka Al ictisaam  ah iyo dalka Qadar oo taageera  urur dimeedka xag jirka ee Al islaax

Maxayse sababtu ay tahay in ay ku heshiyaan labadaasi dale e aanu ognahay halka ay kala marayaan coolaada siyasadeed ee ka dhaxeeya ?

Sida la wada ogsoon yahay somaliland iyo taariikhda halgankaba ee loo soo maray dib u xureynta dalka iyo qiimihii ku kacay xuriyadaasi ee maal iyo nafba lahaa shalay uun bay aahayd markii maamulada dalalka carbeed oo hormuud u ahaa boqortooyada sacuudiga iyo taliska maddexweynaha masar ee Xusni mubaarik ee dhacay ay si mug leh u taaeerayeen Siyaad bare hub iyo maalba  siinayay si uu u baabiyo dalka Somalland iyo dadkiisaba iyaga oo ka duulayaa fikrada ah in amaanka dalalka carbta uu yahay mid u bahan in la iskaashado iyaga oo dabool uga dhigay in kacdoonkii  ururka SNM aanu k uyeelan raad dalalka xubnaha ka ah jaamicada carbta kuwaaso ku talinayaa habka diktaatornimada .

Reer Somaliland waligood maskaxdooda ka bixi mayso 1986 kii uu Siyaad Bare shil baabuur galay boqrtooyada Sacuudiga ayaa u so dirtay dayaarad qalabaysan oo gaar ah oo gudaheeda lagu bixiyo adeeg caafimaad oo dag dag ah si loo badbaadiyo ay u qaaday dalka sacuudiga .

Manta hadii aanu u soo noqono waqtigan oo aanu eegno cinwaanka qormadan korka ku xusan oo ah labadan dale e colka ah ee hadana u heshiiyay Somaliland sidii loo burburin lahaa  waxaa dalka ku sugan wiil yar oo reer Xamar ah oo la yidhahdo Maxamed Xuseen wiilkasi wuxuu wakiil u yahay hay’ad qadar laga leeyahay oo la yidhado Qadar Charity oo xafiiskeedu yahay magaalada Moqdisho, wiilkaasi wuxuu xubin sare ka yahay urur dimeedka xagjirka ah ee Al Islaax damul jadidka loo yaqaano  kana tirsan Sirdoonka dalka Qadar waxaa maalmahan xaafada u dhow madaarka caasimada Hargeisa waxaa la is dhax marayay in masjiid agagaarka Madaarka laga dhisay uu indhaha dadweynaha soo jiitay sababto ah marka hore ayaa uu ku yaalo masjiidkan cusub oo hareerihiisa laba masjiid oo ku filan dadka dhoofaya iyo jarkaba ku filan , iyo arrinta labaad oo ay dadweynuhu isla dhax marayaan u yahay in qalabka lagu rakibay masjiidkan uu khalkhal galinayo dhaqdhaqaaqa kontroolka tawerka laga hago dayaaradaha ee Madaarka Cigaal International Airport madaama ay shegeen in taawarka iyo manaarada masjiidku isku beegsan yihiin halkaasina ay ka dhici karto in madaarka laga damacsan yahay in laga fuliyo hawlo qarsoon oo basaasnimo ah ama argagixsinmo ah in ay halkaasi ka fuliyaan .

 

Wiilkan yare e reer Moqdisho waxaa wakiil u ah Siciid Saalax Gahayr oo sifo sharci daro ah u fuliya mashaariic laga keenay moqdish ninkaasi oo ururka Al islaax ka tirsan  wakiil u ah Bisha Cas ee Abu dabi .

 

Labadaasi nin waxay mashaariic tahriib ah ka fuliyaan Somaliland oo magaca Somalila wax ku fulinayaa waxaa ayaan daro ah oo Somaliland na wax cusub ku ah in masjiidkan magaca Somalia lagu soo qaatay ee u dhaw madaarka Hargeisa nimanka xadhig jariska ka soo qayb galay waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista iyo hawada iyo wasiirka hawlaha guud iyo wasirka qorshaynta iyo wasiirka Diinta iyo awqaafta Khaliil iyo wasiir ku xigeenka war faafinta iyo sh Yusuf adan madaxa golaha shuurada Al ictisaam Maxamed Cali geedi xubin sare ururka Al ictisam ahna gudoomiyaha hay’ada qarni afriqiya iyo gudoomiyaha jaamicada Bader iyo Maxamed Xasan gudoomiyaha hay’ada Masno ahna xubin sare ee golaha shuurada ee Al islaax .

 

Dadkasi oo dhamaantood u kala qaybsan ama kala tirsan ururka Al ictisaam iyo ururka Al islaax Damul jadiid ee xagjirka ah

 

Taasaa ku tuseysaa in manta ururadan labada dal kala taageera in masaajid yar oo la furayo isku yimi oo cudud muujinayaa iyo in dawlada manta dalka ka arimisa aanay arrinkuba gacntayda ku jirin waxna ka qaban Karin ?

 

Wiilkan yare ka yimi xeebta Liido ee wasiirada dalkan sida adhiga ah ay u daba cararayaan dhaameelkana uu u daadinayo ayaa ceeb iyo sharaf dhac ku filan ku ah qaranimada Somaliland.

 

Waleee anigu yaabayee idinkuna ma ila yaabteen?