Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 22 2014                                             Rajab 21,1435H     

 

 

 

 

Suldaan Cali Saleebaan Oo Deel-Qaaf Ku Tilmaamay Baaqii Uu Suldaanka Guud Ee Beelaha S/Land Ku Durray Musharaxnimadda Guddoomiyaha Kulmiye

“Xaqiiqatan Waxaan Qabaa Inaanay Saxaafadu Madaxwayne Siilaanyo La Gaadhin Heerkii Ay La Gaadhay Daahir Rayaale, Waa Qayrul-Sharci In Qof Muwaadin Ahi Maxkamad La’aan Xabsi Iskaga Jiro”Suldaan Cali Saleebaan

Hargeysa, May 21, 2014 (Haatuf) - Suldaan Cali Saleebaan Maxamed oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa deel-qaaf  ku tilmaamay baaqii ka soo yeedhay suldaanka guud ee beelaha dalka Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir uu guddoomiyaha Kulmiye usoo jeediyey inuu u tanaasulo madaxwayne Siilaanyo.

Suldaan Cali Saleebaan ayaa hadalka suldaan Maxamed ku macneeyey mid xiisad ka sii dhex abuuraya xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan dalka, isaga oo xussay in doorka khilaafka Kulmiye uga banaan madaxdhaqmeedkoodu inay tahay inay isku daayaan ama dhex-dhexaadiyaan siyaasiyiinta hanka leh oo uu ku dooday inay dhexdooda taalo kubadu imika Madaxwayne Siilaanyo  iyo Guddoomiye Muuse Biixi.

Suldaan Cali Saleebaan Maxamed ayaa suldaanka guud ku eedeeyey inaanu dhex-dhexaad ka ahayn muranka siyaasiga ah ee ka dhex qarxay Muuse Biixi iyo Madaxwayne Siilaanyo.

Sidoo kale Suldaan Cali ayaa waxa uu cambaareeyey xadhiga iyo xayiraada Haatuf, taas oo uu ku tilmaamay talaabo hoos u dhigaysa sumcadda Somaliland, isaga oo madaxwayne Siilaanyo-na ugu baaqay inuu cabudhinta iyo tacadiga ka daayo warbaahinta madaxbanaan ee dalka. Waxaanu suldaanku sidaasi ku sheegay mar uu maanta galabnimadii khadka telefoonka ugu waramayey Haatuf. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya hadalka Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, waxa uu yidhi “Hadalka ka soo yeedhay Suldaanka guud ee beelaha Somaliland waxaan u arkaa inaanu ku haboonayn wakhtigan xaadirka ah iyo waaqiciga jira labadaba, sababta oo ah isagu waxa uu ahaa suldaankii guud ee beelaha Somaliland, waxaanan qabaa shaqsiyan inay arrintaasi ku haboonayn oo doorka uu ku lahaa arrinta musharaxnimadda Kulmiye inuu sidii Xaaji Cabdiwaraabe uu uga odayeeyey khilaafkii barigii dhawaa soo kala dhexgalay Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee sida fiican uu Xaaji Cabdikariim u soo afjaray khilaafkaasi”.

Suldaan Cali Saleebaan isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Marka aad u fiirsato hadalkii Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu u muuqday uun mid dhinac la safan oo aan dhexdhexaad ka ahayn xiisada siyaasadeed ee ka dhextaagan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Anigu waxaan qabaa in Kulmiye dhexdiisa arrinta loo daayo ama ha isku tanaasulaan Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo ama intay xisbiga dhexdiisa ku tartamaan midi ha guulaysto oo markaana sida gobonimadu ku jirto ka laga guulaystaa ha hambalyeeyo ka guulaysta labadaasi masuul, iima muuqato aniga in hadalka Suldaan Maxamed inuu xal keenayo oo waxa xaqiiqo ah inuu xiisada taagan dab ku sii hurrinayo markaa Suldaanku arrintaasi wuu ku degdegay ayaan qabaa anigu”. Mar uu ka hadlayey doorka madaxdhaqmeedka dalka uga banaan khilaafka Kulmiye, waxa uu yidhi “Sida ay xaqiiqadu tahayna tartanka Musharaxnimada Kulmiye  iima muuqato meel Madaxdhaqmeedka uga banaan inay jirto sababta oo ah Musharaxiinta xisbul-xaakimkana bulshadu ma kala saarayso ee golahooda dhexe ayaa kala saaraya oo gacanta u taagaya ka ay doortaan baana noqonaya Musharaxa madaxwaynaha ee shanta sano ee danbe, markaa anigu waxaan leeyahay Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi iyagaa iska keen yaqaana oo mudo dheer soo wada dhaqmayeye dhexdooda aynu ka baxno hadii aynaan si cadaalad ah u dhex-dhexaadinaynin xiisadooda siyaasadeed oo aan u arkay inay iyagu dhamaysan doonaan Insha Allaah”.

Dhinaca kale Suldaan Cali Saleebaan mar wax laga waydiiyey dareenkiisa la xidhiidha xayiraada Wargeyska Haatuf iyo xadhiga madaxda Jariiradaasiba waxa uu yidhi “Warbaahintu waxay dalkan ku leedahay qiimo aad u wayn, waxaanan u arkaa anigu lama taabtaan inkasta oo marka ay wax khalado ay haboontahay in sharciga lagu saxo oo jidka sharciga loo maro. Madaxwayne Siilaanyo-na waxaan leeyahay saxaafada ha cabadhunin waatii markii aad u tartamaysay doorashadda madaxtooyada ku garabtaagnayd ee kuu hiilisaye. Haatuf oo kale maqaaladii ay ka baahin jirtay madaxwaynihii hore Daahir Rayaale waxa ay u tirin-jireen inta ku dheeraadka ah mudadiisa sharciyadda ah isaga oo sawiro soo dhigi-jiray ay leeyihiin Daahir Rayaale oo kursi ku fadhiya oo leh jecliyaa Kursiga, xaqiiqatan waxaan qabaa inaanay saxaafadu la gaadhin Madaxwayne Siilaanyo heerkii ay la gaadhay Daahir Rayaale ee ay ku soo bandhigi-jirtay warbaahintu dhaliilaha iyo musuq-maasuqyada xukuumadiisa. Markaas waxaan ka mid ahaa dadkii Wargeyska Haatuf aadka ugu tirin jirin axsaabtii mucaaridka ee wakhtigaasi oo uu ka mid ahaa xisbiga Kulmiye. Waxaan ku talin lahaa madaxdhaqmeed ahaan in xayiraada laga qaado wargesyada xidhan, isla markaana aan la cabudhinin xoriyatul-qawlka oo ah halka dunidu inaga dheehanayso. Warbaahinta lafteeda waxaan leeyahay ha ka bad-badinina ee dhexdhexaad ka noqda dhacdooyinka aad wax ka qoraysaan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Suldaanku, waxa uu intaas raaciyey “Dareenkayga la xidhiidha xadhiga masuuliyiinta Haatuf ee Gabiley ku xidhani waxay iila muuqataa arrin qayrul-sharci ah oo qofka muwaadinka ah hadii aan maxkamad la horkeenin ma xidhnaan karo todobaad wax ka badan, Madaxwaynaha waxaan ka codsanayaa inuu xoriyadooda u soo celiyo Suxufiyiintaasi xidhan oo uu ka mid yahay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo aan aaminsanahay inaanay haboonayn in xabsiga si dhibyar loo dhigo oo uu maxkamad la’aan xidhnaado”.