Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 23 2014                                             Rajab 22,1435H     

 

 

 

 

Hambelyo Djibouti

Waxaa aan halkan hambelyo iyo bogaadin oo kal iyo lab ah aan halkan u diraynaa dalka jabuuti gaar ahaan Maddexweynaha jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar geele iyo golihiisa wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka diinta iyo awqaafta jabuuti Mudane Adan Xasan Adan oo runtii qaaday talaabo geesinimo leh oo ku aadan nimankii gaagaabnaa ee xagjirka ahaa ee uu soo diray Wasiir Khaliil in ay ka qayb galaan shir muhiim ah oo ku saabsan la dagaalanka xagjirnimada oo dalkaasi ka qabsoomayay 18 May soconayeyna ilaa 23 ka bishan .

Talaabada uu qaatay Wasiir Adan Xasan Adan oo muujineysaa biseyl iyo aqoon aad u heer sareysaa uu u leeyahay nimankan gaagaaban ee agjirnimada la wareegayaa oo doonayay in magaca Somaliland ay adeegsadaan kuna qayb galaan shirkaasi si ay khal khal galiyaan qabsoomidiisa iyo midhihiisa

Wasiirkuu wuxuu labadaasi xubnood ee aanu hore u sheegnay oo dawlada jabuutina aanu mediyaha ugu marinay in laba xubnoood oo xagjir ah ay ku soo fooleyihiin waxaa uu wasiirku labadaasi xubnood  ku badelay laba xubnood oo qunyar u socod ah gaar ahaa sh Cabdilaahi cali jawhar oo ah sheekha al baladka Boorame oo caaan ku ah qunyar socodka diinta islaamka oo ah nabad doon  iyo wadaad kale .

Sidaa darted waxaan talaabadaasi uu wasiirka jabuti qaatay ilaahay magaciisa ha raajiyee waxaan u direynaa hadii aanu nahay shacabweynaha Somaliland iyo saxaafada xorta ah hambelyo iyo taageero buuxda oo aanu u hayno dalka aanu walaalaha nahay ee jabuuti anaga oo ka duuleyno dhibtan manta ku habsatay Somaliland si aanay ku faafin walaalaheena reer jabuuti shaanisna aanay u helin .