Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 24 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

Dareeno Ka Dhashay Qaabkii Ay Fiisaha Ingiriiska Ku Heleen Labada Majaajilayste Ee SOORAAN Iyo JAWAAN & Nuxurka Warqad Uu Madaxwayne Siilaanyo U Qoray Safaaradda Britain Ee Adis-Abab

Labadan Jile Oo Imika Ku Sugan Magaaladda London Ayaa Si Caadifadaysan U Matala Riwaayado Ay Ku Faafinayaan Boro-Bogaandada Madaxtooyadda

Hargeysa, May 14, 2014 (Haatuf) – Sida ay Haatuf u sheegeen ilo-wareedo xogogaal ahi madaxwayne Siilaanyo ayaa warqad codsi ah u qoray safaarada dalka Britain ee magaaladda Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia ka dib markii ay safaaradaasi 15-kii bishan u diiday inay fiisihii dalkeeda ay ku galayeen u diday dad badan oo ay ka mid yihiin labadda Majaajilayste ee laga daawado inta badan HCTV ee SOORAAN iyo JAWAAN, kuwaas oo magaaladda London ku socday.

Siilaanyo waxa uu si eex ka muuqato warqadiisaasi ugu damaanad-qaaday inuu isagu madaxwayne ahaan uu damaanad-qaadayo labadaas majaajilayste, taas oo keentay inay safaaradu labadooda oo kaliya siiso Fiisihii isla markaana xuskii 18-ka May kaga qaybgalay munaasibad lagu qabtay magaaladda London ee dalka Ingiriiska oo ay ilaa imika ku sugan yihiin.

Waxa ka mid ahaa dadka ay safaaradda UK ee magaaladda Adis-ababa u diiday Fiisaha dalkeeda lagu galayo Xildhibaano, Maayiro, siyaasiyiin, suxufiyiin iyo dad si gaar ah ugu xidhan madaxtooyada, kuwaas oo dhamaantooda markii danba iskaga soo noqday magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale majaajilaystayaasha u shaqeeya Telefishanka HCTV ayaa mudooyinkii u danbeeyey u xuub-siibtay faafinta Boro-bogaandada iyo Massage-yada aan xaqiiqada ku salaysnayn ee ay dabada ka riixayso madaxtooyadda Somaliland, kuwaas oo ay bulshadu u taqaano “Dalkeena Nimcaa Fadhida”.

Dhinaca kale warqadan la sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo u qoray safaaradda Ingiriiska ee Adis-ababa ayaa ka cadhaysiisay dadka xogogaalka u ah arrintan, kuwaas oo eex iyo qabyaalad ku tilmaamay talaabada loogu fududeeyey fiisaha Britain labadan Majaajilayste ee Madaxtooyadda ka qosliya oo ay madaxwayne Siilaanyo isku beel-yihiin.