Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 24 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

Muuse Biixi Oo Si Kulul Gaashaanka Ugu Dhuftay Golihii Dhexe Iyo Kii Fulinta Ee Madaxtooyadu Soo Dhoob-Dhoobtay

“Awood Ay Hawlaha Xisbiga Ku Soo Faro Geliyaan Oo Ay Hawlihii Guddoomiyaha Iyagu Ku Qaataan Oo Ay Gudi Fulineed Iyagu Ku Magacaabaan Ma Laha”Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, May 23, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbul xaakimka dalka ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul gaashaanka ugu dhuftay xubnihii golaha dhexe iyo fulinta ee ay shalay ku dhawaaqeen shirgudoonkii shirwaynaha xisbigaasi, kaas oo ku sifeeyey go’aankaa lagu shaaciyey xubnaha fulinta iyo golaha dhexe ee Kulmiye mid sharciga baalmarsan oo aanay awood u lahayn shirguddoonkaasi oo uu ku eedeeyey inay dar-jiidheen.

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi  waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramay magaaladda Hargeysa. Ugu horayna isaga oo arrintaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Marka hore waa sharci darro mana ogolin, Xisbiguna ogolaan mayo, Guddida soo saartay (Liiska Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye) waa shir-guddoonkii shirweynaha.

Shir weynaha, Shirguddoonkiisu waxa uu la dhamaadaa shirweynaha, shirweynuhuna laba

cisho ayuu ahaa, labadaas cisho ayaanay awoodoodu ku dhamaatay”.

Sidoo kale Muuse Biixi isaga oo hadalkiisa sii wata isla markaana ka hadlaya awoodaha guddida shirgudoonka Xisbigooda, waxa uu yidhi “Awood ay hawlaha xisbiga Ku soo faro geliyaan oo ay hawlihii guddoomiyaha iyagu ku qaataan oo ay gudi fulineed iyagu ku magacaabaan ma laha”.

Kala Soco Haatuf shirka jaraa’id ee Guddoomiyaha Kulmiye oo dhamaystiran saacadaha soo socda.