Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 24 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

Ku Dayasho Mudan Djibouti; Qalinkii Xasan Cabdi Xaashi

dalka Jabuuti ee aanu oori walaalo nahay iyo Maddexweynaheeda Mudane Ismaacil Cumar Geele oo dalkiisa maanta gaadhsiyay horumar iyo dib u dhis balaadhan oo dhan kasta saameysay haday tahay  kaabayaasha dhaqaalaha ganacsiga horumarka bulshada adeegyada bulshada xidhiidhada dibedda gaar ahaan geeska iyo caalamkaba  dalka Jabuuti oo runtii nimankii ku tiirsanaa Al xakami iyo noociyadiisu ay dawlada jabuuti ay gacmo furan ku soo dhaweysay iyaga oo tahriib ah oo sheegtaa in ay diinta islaamka barayaan dadweynaha dawladuna ay u dabacday markii ay wadaadadnimo daacadi lagu matalayo kuwaasi oo dawlada jabuuti meel walba u furtay ayaa markii dambe ileyn masku qaniinyada lagama carbin kare waxay judhiiba damceen in gacantii shalay u samafal fashay ay qaniinaan dalkana af gambit ku sameeyaan oo ay la wareegaan iyaga oo ku andacoonayaa waaa dal lagu xukumo calmaaniyad gaal gargaarna ama daba difil gaaleed ah ku sheegay maddexda sharafta leh ee maanta dalkaasi hogaaminaysaaa, laakin ilaahay oo ogaa calooshooda iyo dhagarta ay dawlada iyo shacbka reer jabuuti ee nabada jecel  ay u maleegeeyeen si ay dhigooda daadiyaan ilaahayse mu odhan, Maddexweyne Ismaacil cimrigiisa ha jire oo kasbaday wanaaga iyo jacaylka dadkiisa ayaa nimankaasi hadhuudhka u diray isagoo qaarna xidhay qaarna cabsi awgeed ay oodaha jidheeen   iyo naf la caari u bakhtiyay oo isku qaadey mawjadaha badweynta Indian ocion ka meelihii ay ku shiri jireena kabaha laga wada caray sida tuug lagu qabtay fal dambiyeed ileyn Al Xakami carar mooyaane wax kale muu barine.

Nimanka argagixisada ah ee dawlada jabuuti ka adkaatay waxay golaha wasiirada jabuuti ku lahaan jireey hal wasiir oo la odhan jiray Cabdi Xaamud Suldaan oo ahaa Wasiirka Diinta iyo awqaafta , hadaba musiibadan dalkeena Somaliland ku habsatay hadii aanu waxooga dib u eegis ku samayno niankan xag jirka ah ee maanta dalka la wareegay waxay golaha wasiirada Somaliland ku leeyihiin lix wasiir iyo labo wasiir ku xigeeno iyo laba agaasime guud iyo laba badhasaab iyo laba maayir wasaaradaha iyo laamaha ay maanta haystaan waxay ku beereen cudurkoodii la yiqiinay ee ahaa xag jir nimada oo maanta runtii Somaliland iyo xidhiidhadeeda dibaddu aan xamleynin in la colaadiyo dalal jaarka ah oo awood leh ee laakinse loo baahan in la wada nolaado nimankan se waxay duulaan ku yihiin xidhiidhada dibedda ee Somaliland la leedahay dalalka jaarka gaaar ahaan dalka aanu kaga nimi una qaxnay ee ay walaaltinimo inaga dhaxeysay ee Ethiopia.

Waxay wasiiradani iyo masuliyiintan ee xukuumada kulmiye ay u keentay in ay ku shaqeeyaan manhajka iyo brogramka dawladu u dajisay ayaa waxay isku rogeen amarkana ka qaataan dad shisheeye iyo dawlado shisheeye oo aan haba yaraate wax xishood ah u lahayn  maddexweynihii soo doortay ee magacaabay toona.

Waxaase caalamka waajib ku ah  in dalkan sidii ay horeba u soo gurman jireen in ay maanta u soo gurmadaana hadii kale dalkan iyo iyaguba uu duufaanku qaadi doono waana fariin uu waregeysku u gudbinaya haday tahay dawadaha aanu saaxiibka nahay iyo dalalka jaarkaba in ay naga soo gaadhaan cudurkan aan dawoda lahayn xaaqis mooyaane  ee dalkan ku faafay

 

Waa inoo faalada dambe………