Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 24 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

Somaliland Uun Bay Ka Dhacdaa; Qalinkii Axmed Aadan Maxamed (Qaybtii 6-Aad)

Akhriste marka hore salaam marka xigtana waxaanu guda gali doona qormadeenii u magac darnay Somaliand uun bay ka dhacdaa, maantase waxaanu soo qaadan doonaa qaybta labaad ee xeeladaha iyo wadooyinka ay maraan nimankan dubka cas ee wahaabiyada ee laga soo waarido Mamalakatul Al Sucuud iyo dawaarlihiisa Al Xakami ee saldhigiisu yahay Safaarada Sharka ee Sacuudiga ee dalka Jabuuti.

Qaybtii hore ee xeeladahan ay u maraan nimankan xag jirka ah ee uu dalku ku ibtiloobay si ay u dhax galaan bulshada reer Somaliland waxaa ka mid ahaa qaybta wax barashada iyo iskuulada iyo malmacadaha oo aanu hore ka soo sheekeynay qaybtan se waa qaybta Isgaadhsiinta .

Sida la wada ogsoon yahay dal kasta wuxuu leeyahay Isgaadhsiin u gaar ah ama dawladi ha maamusho kana war hayso ama hanti gaarba ha ahaadee laakinse ay dawladu awood ku leedahay hawlihiisa, sababto ah isgaadhsiinta waxay maanta tahay ta guudkan aanu ku nool nahay isku xidhay tuulo yarna ka dhigtay Caalamka dalalkaasi waa dalal uu ka hanaqaaday maamul wanaagu iyo is xisaabtan iyo xisaabtanka shirkadaha Isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay .

Nimanka argagixisada  gaar ahaan kuwa ka tirsan labada urur ee xag jirka ah ee Al Ictisaam iyo Al islaax al damjadiid ayaa waxaa ajandaha kowaad u ah in marka ay doonayaan in ay dal ku faafaan raadna ku yeeshaan ay ka soo galaan dhinaca isgaadhsiinta oo ah ta bulshadu ay wada siidato sababto ah marka hore lagama maarmi karo marka xigtana waa wasiilad ama wado laga heli karo ama wax lagu gaadhsiin karo bulshada meel ku dhaqan .

Ururadana waxay gacanta ku hayaan oo ay maanta yihiiin cidii isgaadhsiinta Somailand gacanta ku haysaa waa iyaga , bal ilaaahay baan idiinku dhaarshe ma dal isgaadhsiintiisu u gacan gashay argagixiso iyo ururo dimeed xag jir ah ayaa nabadi ka tis qaadi taasi waxaan u leeyahay maanta telefoonada ay gacanta ku sitaan wasiirada  xukuumada maddex dhaqameedyada iyo dadweynaha dhamaantood waa la wada dhageystaa waxayna nimankan u adeegaan Al Qaacidada aduunyada khalkhal galisay haday ugu yaraantana warka Somaliland oo dhani u yaalo Moqdisho xudunta argagixisada geeska

Hadiise aanu ku laabano dalkeena Somaliland iyo Isgaadhsiinta aynu maanta adeegsano waa Shirkado Isgaadhsiin oo gaar loo leeyahay oo aan dawlada dhaxe aanay wax shaqo ama awood ah ku lahayn iskaba daayo xataa dawladu kama qaado cashuur sidaas ah oo anfaca hawlaha bulsho iyo adeeg ee ay bixiso dawladu.

Akhriste waxaan halkan ku iftiiminaynaa shirkadaha maanta isgaadhsiinta Somaliland gacanta ku hayaa oo ah saddex shirkadood oo kala ah:-

 

Telesom

 

Somtel

 

African Online

 

Akhriste shirkada  saddexdani shirkadood waa shirkado ay leeyihiin ururo dimeed oo xag jir tusaale Telesom iyo Somtel waxaa leh ururka Al ictisaam ee aabo u ah xarakada A shabaab ee ka tirsan shabakada Al qaacida, African on line na waxaa leh urur dimeedka xag jirka isaguna ee Al islaax damul jadiidka loo yaqaano oo ka tirsan ikhwaanul muslimiinta ee carshigiisa ku dumay dalka Masar markii uu ilaahay u soo diray Mushiir Al Siisi ilaahayna waxaanu ka baryi doona in uu Somaliland nooga dhax dilaaciyo Siisi Cusub oo nimankan hadhuulaha u dara Amiiiin .

Akhriste bal waxaad booqataa daarta weyn ee Telesom ay ku leedahay dooxa meel u dhaw  iyo xarumaha ay ku leedahay dalka oo dhan   eeg oo u fiirso marka aad sidaa xayndaabka madaxa galiso waxaa markiiba ishaadu ku dhacaysaa nin gadh leh oo ka mid ah nooca aanu sheegno oo direys gashan dhamaan shaqaalaha iyo masuliiyiinta shirkaduna waa  kuwii ka mid ahaan jiray urur dimeedka Al Itixaad ee xag jirka ah.

Akhriste shirkadahan aanu soo sheegnay waxaa laga soo warinayaa in ay damaashaad iyo reyn reyn balaadhan ku jiraan intii la xidhay adinkii xaqa ku dhawaaqi jirey ee Haatuf Media Group oo xaqaaiq jira u bandhigi jiray bulshaweynta Somaliland.

Intii ay socotay daandaansiga lagu hayay wargeyska Haatuf ilaa laga gaadho maxkamad geynta masuliyiinta Haaatuf ay shirkadahani iyo maddexdoodu ay ka mid ahaayeen dadkii xurayatul qaylka afka ka qabsaday ee ka xidhay adeegii internetka ee uu wargeysku adeegsan jiray macmiilna u ahaa iyaga oo dawlada ku garab siinayaa  fal ama arrin aanay iyagu markii horeba ka  mid ahayn ee sheekadu u dhaxeysay uun Haatuf iyo Dawlada miyaanay taasi idiin tuseyn reer Somaliland in shirkadahan ay colaad gaamurtay u qabeen Haatuf iyo runta Haatuf?

Iyaga oo Haatuf colaad u qaaday madaama uu Wargeysku markasta u qaawin jiray ururo dimeedkan xag jirka ah ee dalka qabsaday xili ay dawladu hurdo macaan ku jirtay .

Haduu ilaahay ogolaado waxaanu xeeladaha dambe ee ay adeegsadaan nimankan arxandaradii adeegsadaan ka mid noqon doonta xawaaladaha ileyn ma ogola in jeebadaadu ay shilinba ku hadhine waxayna can ku yihiin gacan adeega uu baray Al Xakami waa inoo qormada 7 aad haduu eebe iidmo

 

La soco………