Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 25 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Madaxtooyadda Oo 24-Kii Saacadood Ee U Danbeeyey Ku Mashquulsanayd Dhagaysiga Telefoonadda Masuuliyiinta Iyo Shaqsiyaadka Taabacsan Musharaxnimadda Muuse Biixi

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Juhdigii Uu Galiyey Madaxtinimada Siilaanyo Loogu Badelay In Dadka Ku Dhawdhaw Oo Dhan Laga Takooro Siyaasada Ama Laga Xarrimo-ba Xukuumadda

Hargeysa, May 24, 2014 (Haatuf) – Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inay bilawday 24-kii saacadood ee u danbeeyey dhagaysiga telefoonada masuuliyiinta iyo ash-khaasta sida cad iyo sida dad-banba ugu ugu xidhan isla markaana taabacsan musharaxnimadda guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Sida ay tibaaxeen xogo Haatuf  helay masuuliyiinta ay madaxtooyadu dhagaysiga telefoonadooda bilawday iyada oo adeegsanaysa shirkadaha Isgaadhsiinta dalka, yimid ka dib markii uu madaxwayne Siilaanyo ka shakiyey masuuliyiin xukuumadiisa ka tirsan oo xilal kala duwan  ka haya, isla markaana qaarkood ay si cad uga hor yimaadeen qorshaha uu daaha dabadiisa ka hagayo ee lagu soo dhoob-dhoobay golaha dhexe iyo ka fulinta ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo ay hogaanka Kulmiye shalay si cad u qaadaceen, kuna tilmaameen inaanay shirgudoonkii shirwaynaha Kulmiye inaanay awood sharciyeed u lahayn arrimahaasi.

Sida ay ilo-wareedadaasi xusseen masuuliyiinta dhaqdhaqaaqa telefoonadooda ay madaxtooyadu aadka u danaynayso ayaa waxa ugu horeeya Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo sida la sheegay isagu ka badheedhay taageeradda musharaxnimadda Guddoomiyaha Kulmiye, isagoo markii hore culays badan oo la saaray ka dib ka ag-muuqday xubnihii shirguddoonka shirwaynaha Xisbiga Kulmiye oo uu guddoomiye ku xigeen u ahaa, balse markii danbe diiday inuu saxeexo warqadii xubnihii ku dhawaaqay golaha dhexe iyo ka fulinta ee sharciga xisbigaasi baalmarsan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu Juhdi iyo dedaal badan galiyey sidii uu dalkan madaxwayne uga noqon lahaa Axmed Siilaanyo oo imika madaxtinimada Somaliland haya, isla markaana isagu balanqaaday inuu Muuse Biixi markiisa taageeri doono oo uu u abaalgudi doono, balse siyaasadu saaxiibtinimo joogta ah ma lahee Madaxwayne Siilaanyo ayaa balantaas ka baxay iskuna diyaarinaya inuu teeram 2-aad isku soo taago madaxtinimada dalka, isaga oo taas bedelkeeda si aanu khatar ugu noqonin Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ku soo afjaray xidhiidhkaasi soo jireenka ah in  masuuliyiinta iyo shaqsiyaadka  ku dhaw dhaw Muuse Biixi in dibada looga saaro golaha xukuumadda Somaliland, iyadoo rag culculus oo la filayey inay xukuumadda xilal ka qaban-doonaan ay wax ku waayeen xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Guddoomiyaha Kulmiye.

La soco maalmaha soo socda qormooyin Haatuf ku soo bandhigi doonta shaqsiyaadka teleefanadooda la dhagaysanayo, siyaasiyiinta xidhiidhka wanaagsan ee Muuse Biixi ka dhaxeeya wax ku waayey, isla markaana ciilka la meehanaabaya.