Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 25 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Si Caadifadaysan Xilkii Uga Qaaday Wasiirkii Ganacsiga Oo Ka Diiday Inuu U Saxeexo Warqadii Madaxtooyadu Ku Soo Dhoob-Dhoobtay Xubnihii Golaha Dhexe Iyo Ka Fulinta Ee Kulmiye

Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Xil Ka Qaadista Dr Maxamed C/Laahi Cumar Oo Ka Socda Magaaladda Gabiley

Hargeysa, May 25, 2014 (Haatuf) – Madaxwayne Siilaanyo ayaa xalay

xilkii ka qaaday wasiirkii ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Dr

Maxamed C/laahi Cumar oo hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda,

kaas oo lagu badalay masuul magaciisa la yidhaahdo Muuse Qaasim.

Sida ay ilo wareedo xogagaal ahi Haatuf u xaqiijiyeen xil ka qaadiska

wasiirka ganacsiga Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa waxa soo dadajiyey ka

dib markii uu habeen hore ka diiday dalab uu Madaxwayne Siilaanyo u

soo bandhigay, kaas oo ka codsaday inuu saxeexo go’aankii

shirguddoonka Shirwaynaha Kulmiye ay ku soo saareen xubnaha golaha

dhexe iyo fulinta ee madaxtooyadu dabada ka riixaysay oo uu si cad u

diiday Maxamed C/laahi isla markaana madaxwaynaha si cadho leh ugu

sheegay inaanu saxeexaynin go’aankaas oo uu ku dooday inaan markii

hore lagala tashanin, waxna laga waydiinin  isaga oo guddoomiye ku

xigeenkii shirgudoonkaasi ahaa.

Ilo wareedadan ayaa waxay intaas ku dareen in diidmadii uu wasiirka

hore ee ganacsiga ee xilka laga qaaday kala hortagay madaxwaynaha oo

uu u sheegay inaanu sharci ahayn in hogaanka xisbiga oo jooga in

liiska golaha dhexe iyo ka fulinta in cid kale ku dhawaaqdo inuu

sharciga baalmarsan yahay, iyada oo ay go’aankaasi uu u cuntami waayey

madaxwaynaha.

Dhawaan ayey ahayd markii uu amar diido uu sameeyey wasiir ku

xigeenkii hore ee daakhiliga C/laahi Abokor Cismaan oo isagu markii la

soo xulayey ergooyinkii shirwaynaha Kulmiye oo uu ka reebay

masuuliyiin ka soo jeeda gobolka Saaxil inay marwada madaxwaynuhu ka

dalbatay inuu lix xubnood ku daro, taas oo uu isaguna si cad u diiday

oo uu si kulul uga dalbaday inay marwadu faraha uga qaado arrimaha

beesha gobol Saaxil, isla markaana amar diidadaaasi keentay in si

degdeg ah xilka looga qaado Wasiir ku xigeenkaasi oo madaxtooyada aad

ugu dhawdhawaa mudooyinkii u danbeysay.

Dhinaca kale Mudaharaado lagaga soo horjeedo xil ka qaadista Dr

Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka socda magaaladda Gabiley ee xarunta

gobolka Gabiley, halkaas oo uu taageero laxaadle ka haysto Wasiirka

xilka laga qaaday, kuwaas oo ku dhawaaqayey hal ku dhigyo lagaga soo

horjeedo xil ka qaadistiisa.