Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 25 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

Mujaahid Cali Guray Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqdya, Eedo Culculus-na U Soo Jeediyey Hay’addaha Dastuuriga Ah Ee Somaliland

“Anigu Waxaan Madaxweynaha Leeyahay Dib Iskugu Noqo, In 18-Kii May Uu God Madaw Ku Xidhnaa Oo Uu Ku Dhaafo Yuusuf Cabdi Gaboobe Adiga Oo Og In Cida Xidhay…”Cali Guray

Hargeysa, May 25, 2014 (Haatuf) - Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo dhamaystay safar  uu ugu maqnaa wadanka Ingiriiska.

Cali guray oo ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa Warbaahinta kula hadlay Madaarka, waxaanu si kulul u dhaliilay cabudhinta ay xukuumaddu ku hayso Warbaahinta Madaxbanaan iyo qaabka ay u shaqeeyaan Hay’addaha Garsoorka iyo Xeer dejinta dalku.

Siyaasigan ayaa ka mid ah ashkhaasta Madaxweyne Siilaanyo ay aqoonta badan iyo xulafaysiga siyaasaddeed wada lahaayeen ee hada ka soo horjeeda nidaamkiisa maamul.

“Warbaahinta madax banaan dagaalka ka dhanka ahi maaha mid cusub ee wuu socday  laakiin wuu sii kululaaday ayaan qabaa.

 taariikhda Somaliland-na markii ugu horaysay  ayaa maamulka uu madaxweyne Siilaanyo madaxda ka ahay wuxuu baabiiyey laba jariiradood,  tan xadhiga iyo tacadiyadu  joogto ayey iska ahayd  oo tirada ha kala badnaato oo aan idhaahdo sadexdii madaxweyne ee Siilaanyo ka horeeyey la xidhay  waxa ka badan inta la xidhay sanad kaliya oo uu madaxweyne Siilaanyo dalka madax ka ahaa.”

 “Arinkana waanu ka xunahay, ka Haatuf ayaana ugu danbeeyey, waxaanan aad  u taageeraa Marka qoladiina warbaahintu wax baadh baadhaan  ee aad soo saartaan wixii uu ka odhan jiray marka la xidho suxufiyiinta ama lagu tacadiyo muwaadiniinta Somaliland  marka uu mucaaridka ahaa,waxaan dhagaystay isaga oo u hadlaya Gaboose Iyo Maxamed Xaashi oo la xidhay kaas oo si fiican ugu talax tagay,  waxaan dhagaystay oo aan goob joogna ka ahaa Yuusuf Cabdi Gaboobe oo lagu xidhay  Mandheera taas oo lagu tartamo safarka loogu tagayo Mandheera si maalin walba cid Kulmiye ahi ula joogto oo ay ugu tagaan Mandheera,

Mujaahid Cali Guray waxa uu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu xoriyadooda u soo celiyo hay’adaha warbaahineed ee xidhan, isaga oo ka hadlay xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe waxaanu yidhi “Anigu waxaan madaxweynaha leeyahay dib iskugu noqo, in 18-kii May uu god madaw ku xidhnaa oo uu ku dhaafo Yuusuf Cabdi Gaboobe adiga oo og in cida xidhay ay barbarkaaga taagnayd, waxaanu leenahay waa inay xoriyadooda xidhaan waana in xuquuqda bina aadanka la ixtiraamaa, waana in xuquuqda muwaadiniinta la ixtiraamaa, waana in xaqa iyo xuquuqda ay leedahay warbaahinta madaxa banaani la ixtiraamaa, sharcigana waxaanu ogolnahay oo aanu goor walba diyaar u nahay in loo wada hogaamsamo loona sinaado” ayuu yidhi mujaahid  Cali Guray.

Isagoo sii hadlaya wuxuu yidhi “Waxaynu ku dhawnahay in laga aamin baxo hay’adihii garsoorka, hay’adihii sharci dejinta waayo marka aynu ognahay in la odhan karo cidaasi anigay sidaas igu tidhiye CID-da haddii aad tihiin kiis u soo sameeeya  ee markay wax soo mal maluuqaana xeer ilaalintii la odhanayo ku ooga  ee hadana garsoore loo yeedhayo ee la odhanayo ku xukun  waxay keeni doontaa in laga aamin baxo gabi ahaanba garsoorkii iyo hay’addihii sharci fulinta  ee dalka taas oo macnaheedu tahay I qofkii la xidhaa noqonayo mid la qafaashay .”.