Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 26 2014                                             Rajab 27,1435H     

 

 

 

 

Jidh-dilka Bilaysku ku sameeyaan labada Suxufi ee Madaxtooyadda u xidhan; Qalinkii Muuse Abokor Axmed

Labada suxufi ee Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige ee aar-goosiga iyo madax-furashada ugu xidhan Siilaanyo, Aamina-Waris iyo Baashe Cawil, markay Bilaysku ka soo qaadeen jeelka Gabiley ee ay gaynayeen maxkamadda Hargeysa iyo markii jeelka ku celinayeen intay katiinadeeyeen ayey waxay ku kaxeeyeen gaadhi qufulan oo si xawli ah u socda, buudhiga qufulan ee gaadhiga oo xaga danbe ku leh albaab yar oo maxbuus kali ahi ka gali karo ayaan gudaha ku lahayn meel la qabsado.

Gaadhigan ayaa markii uu Yuusuf iyo Axmed sido la moodaa in lagu balamiyey in meeliba meeshay ka xuntahay ka marro waddada inta u dhaxaysa maxkamadda iyo jeelka Gabiley, isagoo waliba xawaaraha ugu sareeya ku cararay.

Askari Bilays ah oo joogay maxkamaddda markii shalay la keenay labada maxbuus oo la yaabay Speed-ka uu gaadhiga qufulani ku socday ayaa sheegay in xataa marka uu sido dadka u xidhan argagixisada aan sidan oo kale loo eryin.

Yuusuf Cabdi Gaboobe shalay markii uu gaadhiga maxkamadda kaga degay qof ka gaadhsiiyey su’aal ahayd inay dhibaato kala kulmaan markay saaran yihiin baabuurkan qufulan ayaan ka jawaabin.

Hadaba taliyaha Bilayska C/laahi Fadal iyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Faysal dhago-dhago oo labadoodu u xilsaaran yihiin sidii kiiskan degdeg loogu soo gaba-gabayn lahaa oo xukun loogu ridi lahaa labadda eedaysane ayaa laga soo wariyey in madaxtooyada aad looga qoslo marka laga sheekaynayo sida loo “Silciyo” labada suxufi ee aargoosiga u xidhan!!!.