Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 28 2014                                             Rajab 28,1435H     

 

 

 

 

Guddoomiyaha Iyo Tafatiraha Haatuf Oo Ka Warbixiyey Duruufihii Xadhigooda Iyo Mudadii Ay Xabsiga Ku Jireen

“Waxaanu Tacadiga Ugu Badan Kala Kulanay Garsoorka Iyo Ciidankii Bilayska Ee Na Qaadayey Oo Si Fawaaxishnimo Ah Noola Dhaqmayey Markay Baabuurka Qufulan Nagu Qaadayeen”Yuusuf Cabdi Gaboobe

Hargeysa, May 28, 2014 (Haatuf) – Waxa maanta abaaro labadii duhurnimo laga soo daayey xabsiga magaaladda Gabiley guddoomiyihii Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafitirihii Wargeyska Axmed Cali Cige, kuwaas oo mudo xabsiga loo taxaabay 10-kii bishan May 2014 markaas oo ay ciidanka bilaysku ka dhaxqabteen maxkamadda oo ay cagahooda ku tageen si ay iskaga difaacaan dacwad ay ku soo oogeen xubno xukuumadda ka tirsan iyo wiil uu Madaxwayne Siilaanyo Sodog u yahay.

Markii laga soo daayey xabsiga Masuuliyiinta Haatuf ee ay soo gaadheen magaaladda Hargeysa ayey warbaahinta ugu warameen guriga Guddoomiyaha Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Haatuf, kuwaas oo dareenkooda iyo waxyaabihii kala kulmeen xabsiga, isla markaana sharaxaad ka bixiyey qaabka sii dayntoodu u dhacday.

Guddoomiyaha iyo Tafatiraha Haatuf waxay sheegeen inuu xadhigoodu marka horeba ahaa mid sharci daro ah oo ay haboonayd marka horeba inay is difaacaan iyaga oo xor ah oo dacwadooda lagu dabaqo xeerka saxaafadda Somaliland oo ah xeer madani ah, halka suxufiyiintan lala tiigsaday xeerkii ciqaabta guud ee Soomaaliya.

Labadan Masuul waxa ay sheegeen inaanay ogayn sababta loo soo daayey, balse markii ay soo gaadheen magaaladda Hargeysa loo sheegay in lagu soo daayey damaanad ahaan. Ugu horayna Guddoomiyaha Haatuf Media Group Yuusuf Cabdi Gaboobe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Alxamdulilaah aad ayaanu aniga iyo Tafatiruhuba u wanaagsanahay, waxa nala soo daayey abaaro labadii duhurnimo ee maanta oo aanu ka soo baxnay xabsiga Gabiley. Waxaanu imika xidhnayn mudo 18 cisho ah oo laba maalmood waxaynu ku xidhnayn jeelka Hargeysa, ilaa 16 maalmoodna waxaanu ku xidhnayn Jeelka Gabiley. Ilaa imika si dhab ah uma garanayno sababta naloo soo daayey ee xoriyaddayda naloogu soo celiyey inkasta oo aanu maqlaynay markii aanu Hargeysa soo gaadhnay in Damaanad ahaan nalagu soo daayey”.

Isaga oo Guddoomiyaha Haatuf hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Ilaa imika ma ogin in Wargeysyadii Haatuf iyo Somaliland Times in la sii daayey iyo in kale laakiin xaqiiqatan sida cadaaladu ku jirto waa in xayiraada laga qaado Wargeysyada oo ciidanka laga qaado xarunta Wargeyska ee mudada labada bilood ah ay dul fadhiyaan ciidanku. Run ahaantiina sidaan marar badana sheegay isla markaana cidkasta oo caqli lihi fahmi karto Haatuf iyo Somaliland sharci daro ayey iyo xaqdaro ayey ku xidhan yihiin, sharciga dalka ka dunidabana ma jirto meel ay kaga taalo in meherad aayar la iska xidho, markaa adigu guud ahaan sharci-daro iyo tacadi badan oo naloo gaystay ayaanu tirsanaynaa oo gaar ahaan aniga iyo tafatiraha wargeyska naloogu sameeyey oo xuquuqdayadii aas-aasiga ahayd ee distuurku noo damaanad qaaday ayaa lagu tuntay. Xaqiiqatan haday tahay xaga garsoorka, xaga Bilayskaba si xun ayaa naloola dhaqmay, anaka oo aan wax dhibaato ah ka sheeganaynin xabsiga Masuuliyiiinta iyo askarta xabsiga Hargeysa iyo ka Gabiley-ba oo run ahaantii aad moodo inay xabsiyadaasi maamulaan dad Professional ahi maamulaan”.

Yuusuf Cabdi Gaboobe mar uu ka hadlayey tacadiyo ay garsoorka iyo ciidanka bilayska kala kulmeen, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sidii aan hore u sheegay waxaanu tacadiga ugu badan kala kulmaynay garsoorka iyo bilayska oo xataa marka aanu maxkamadda gudaheeda ku jirno aanu kala kulmaynay tacadiyo badan. Sidoo kale marka xabsiga nalaga soo qaadayo iyo marka nalagu celinayoba ciidanka Bilayska ee na qaadayey waxay si foolxun oo fawaaxishnimo ah noola dhaqmayeen oo baabuurka qufulan ee nalagu qaadayey oo aan lahayn meel la qabsado ayaad moodaysay in gododka inay baabuurka la dhacaan lagu sii balamayey  oo ay xawaare aad u sareeyey baabuurka ku kaxaynayeen si aanu madaxa iskula dhacno oo aanu u rafaadno iyagoo marinayey gaadhiga melba meesha ay waddada ka xuntahay. Waxyaabaha kale ee ceebta iyo tacadiga ah ee nagu dhacay waxa ka mid ahaa waxa maxkamadda dhexdeeda nagu caayey qaar ka mid ah masuuliyiintii xukuumadda ee dhibanayaasha ahaa  laftooda oo waxyaabo sharciga baalmarsan maxkamadda dhexdeeda ka lahaa oo aanu garsooruhuna waxba ka qabanayn. Mida kale waxa wax aad loola yaabo ah in anaga oo ah rag suxufiyiin ah oo waxay geysteen ee lagu haystaa tahay waxay qoreen oo aan dambi wayn oo sida dil ama kufsi ah gaysanin in sidaas xun naloola dhaqmo waxay muujinaysaa halka ay xukuumadda talada haysaa ka taagan tahay xoriyatul-qawlka”. Ugu danbayn Yuusuf Cabdi Gaboobe mar wax laga waydiiyey waxa uga meelyaala imika oo ay yeelayaan, waxa uu yidhi “Horta maanta ayuun baa nala soo daayey oo waxaanu yeeli doono waxaanu kala tashan doonaa Qareenadayda, waxa kale oo aanu la tashan doonaa oo aanu is waraysan doonaa shaqaalihii iyo masuuliyiintii kale ee Haatuf ee aanu ka maqnayn mudadii aanu xidhnayn”.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Tafatiraha Haatuf Axmed Cali Cige oo isaguna dareenkiisa iyo waxyaabihii ay la kulmeen mudadii ay xidhnaayeen ka warbixiyey, kaas oo sheegay in si fiican loola dhaqmay mudadii ay ku jireen xabsiyada Hargeysa iyo Gabiley, isla markaana aanay wax dhibaato ah ka sheeganaynin askarta iyo masuuliyiinta  xabsiyadaasi oo uu uga mahadnaqay sidii ay ula dhaqmeen.

Axmed Cali Cige waxa uu xussay in xadhigooda iyo xayiraada Haatuf-ba ay sharci daro ahaayeen oo aan wadadii sharciga ahayd loo marin, kaas oo sidoo kale cadaalad-daro ku eedeeyey garsoorka oo uu tilmaamay inaanay si dhex-dhexaad ah uga garniqin dacwadooda, kaas oo sheegay inay tacadi badan kala kulmeen mudadii ay xidhnaayeen ciidanka Bilayska Somaliland.