Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 29 2014                                             Rajab 28,1435H     

 

 

 

 

Midowga Yurub Iyo Maraykanka Oo Si Adag Uga Hadlay Xayiraadda Xukuumaddu Saartay Haatuf Iyo Hubaal

Nairobi , May 29, 2014 (Haatuf) - Midowga Yurub, Maraykanka iyo dalal qaaradda Yurub ah, kooxaha xuquuqda aadamiga oo la isku yidhaa Kooxda Xuquuqda Aadmiga Soomaaliya (HRWG), ayaa walaac xooggan ka muujiyey xayiraadda dawladda Somaliland saartay wargeysyada madaxbannaan ee Haatuf iyo Hubaal oo saaxadda laga saaray.

Warsaxaafadeed ka soo baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, nuqul ka mid ah na soo gaadhay xalay, waxa lagu sheegay ururka xuquuqal-insaanka oo ay xubno ka yihiin Midowga Yurub iyo Maraykanku aad uga xun yihiin dhibaatooyinka, xadhigga iyo xayiraadda khasabka ah ee xukuumadda Somaliland ku hayso saxaafadda madaxbannaan.

“Kooxda Xuquuqda Aadamiga ee Soomaaliya, waa koox ka kooban shuraako caalami ah oo ay ka mid yihiin; Midowga Yurub, dalalka xubnaha ka ah, Norway, Switzerland iyo Maraykanka, waxay jecelyihiin inay muujiyaan walaaca ay ka qabaan xiidhitaanka khasabka ah ee lagu xidhay wargeysyada Haatuf, Somaliland Times iyo Website-ka Haatuf.

Tani waa dhacdadii saddexaad ee nooceeda oo kale ah bilihii u dambeeyey, kadib markii khasab lagu xidhay wargeyska Hubaal iyo xayiraaddii TV-ga Universal. Intii lagu gudo jiray sannadkii 2013. Suxufiyiin tiradoodu gaadhayso 47 suxufi ayaa la xukumay, la xidhay amma la dhibaateeyey, iyadoon la siin dacwad maxkamadeed oo caddaalad hufan ah. Inta badan lama raaco sharciga ku haboon. Xaalaadaha qaarkood waxa dhacda in jidh-dil loo gaysto,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxa warsaxaafadeedku xambaarsan yahay farriin adag oo xukuumadda loogu baaqay in masuuliyiinta Somaliland oggolaadaan, xayiraaddana ka qaadaan wargeysyada Haatuf iyo Hubaal si ay shaqadooda dib ugu bilaabaan, waxayna kooxda HRWG yidhaahdeen;

“Kooxda HRWG (Midowga Yurub, Maraykanka, Norway iyo Switzerland) waxay ugu baaqaysaa masuuliyiinta Somaliland in ay u oggolaadaan wargeysyada Haatuf, Hubaal iyo TV-ga Universal inay dib u bilaabaan shaqadooda. Sidoo kale, waxay codsanayaan in si caddaalad iyo hufnaan ku jirto loo maro dacwadaha suxufiyiinta, iyadoo la raacayo Xeerka Habka Maddaniga ah, xitaa haddii suxufi lagu eedeeyo inuu ceebeeyo qof (defamation) si waafaqsan Xeerka Saxaafadda iyo Shuruucda Caalimga ah. Go’aannada khasabka amma xoogga ah ee ay bixinayaan maxkamaduhu iyagoo kaga imanaya waaxda fulinta (xukuumadda) waxay sawir khaldan ka bixinaysaa sumcadda Somaliland. Xorriyatul-qawlka iyo saxaafad madaxbannaan waxay daruuri u tahay bulsho dimuqraadi ah oo shaqaynaysa. Somaliland-na taa kama maqna.”

saxaafadda

Waxa kale oo lagu sheegay in xayiraadda wargeyska Haatuf caqabad ku noqonayo xidhiidh u bilawday saxaafadda iyo xukuumadda, laguna doonayey in kaabis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyo xeerka saxaafadda, “Inkasta oo dammaanadda lagu sii daayay Guddoomiyaha iyo Tifafttiraha wargeyska Haatuf, 27 May ay tahay horumar la gaadhay, haddana kiiska Haatuf wuxuu khatar ku yahay inuu dib u rido xidhiidhkii dhawaan bilaabmay ee lagu horumarinayay xidhiidhka ka dhexeeya dawladda iyo saxaafadda, kaas oo ay ka muuqatay in la sameeyo guddi loo dhan yahay si kaabis iyo wax-ka-beddel ay ku sameeyaan xeerka saxaafadda bishii March.”

Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah, ayaa sameeyey Kooxda Xuquuqda Aadmiga Soomaaliya (HRWG) bishii December ee sannadkii 2011, iyaga oo ay ku jiraan waddamada Norway, Switzerland iyo Maraykanku, kuwaasoo ixtiraamka iyo kor-u-qaadista xuquuqda aadmiga aasaas u yihiin  xubnaha qaybta ka ah Kooxda HRWG, waxana sidoo kale arrintaas qayb muhiim ah tahay horumarinta siyaasadahooda.

Farriinta culus ee uu xambaarsan yahay warsaxaafadeedka ka soo baxay ururka xuquuqal-insaanka Midowga Yurub iyo Maraykanka, ayaa haddii aanay dawladda Somaliland fulin, isla markaana xayiraadda ka qaadin wargeysyada Haatuf iyo Hubaal noqon doonta mid saamayn ku yeesha xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka, taasoo sidoo kale dhaawaci karta  sumcadda waanaagsan iyo hannaanka dimoqraadiyeed ee dalka ka hirgalay.