Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 30 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

“Muj. Muuse Biixi  Wuu Uu Qalma Murashaxa M/Weynaha , Waana Halyey Qaran, Siilaanyo Wuu Fashilmay Oo Waa La Nacay ,Waanu Iska Celinayna Argagixisada Madaxtooyada Fadhida”Gudomiyaha Ururka  Horseed Md. Calawi Cabdi Gaboobe

Hargeysa, May 29, 2014 (Haatuf) – Guddoomiiyaha Ururka waddaniga ah ee Horseed Md Calawi Cabdi Gaboobe ayaa taageero laxaadle u muujiyey musharaxnimadda doorashadda madaxtooyada ee soo socota ee Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu u qalmo inuu isku soo taago oo uu waliba madaxwayne ka noqdo Somaliland.

Calawi Cabdi Gaboobe waxa uu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku sifeeyey mid fashilantay oo ay bulshadu ka calool go’een isla markaana aan u qalmi inay talada dalka sii hayso, kaas oo sidoo kale si kulul u cambaareeyey koox uu ku eedeyey inay argagixiso yihiin oo ay madaxtooyada fadhiyaan.

Guddoomiyaha Harseed Md Calawi Cabdi Gaboobe waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray oo nuqulo ka mid ah soo gaadhsiiyey Warbaahinta. Kaas ooisaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Murashaxnimada M/weyninimo ee  gudomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi waa

Mid  sharciya oo uu xaq uu le’yahay , waanu uu qalma  maadaama uu ka mid ahaa halyeyadii

Usoo halgamay xoreynta dalkeena hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland, markay cod tahayna

Wa  ninkii keenay  %  50 codka guud ee uu siilaanyo  madaxtinimada  dalka  ee 26.June.2014.

Axmed Siilaanyo wuxu doonaya inuu dagaal iyo qas  ka rido dalka , waxaanu taagan yahay

cid hadli karta ma jirto , Cid ila Tartami karta ma jirto , cid wax qori karta ma jirto ,

ciddii rayi’gayga  ka hor timaada-na  waan  xidhaya, waan cabudhinaya !!!.

ogow  siilaanyo  waa ninkii  uu baxsaday London markii ay xogagii dalgaalyahankii ururkii

Xaq  uu dirirka ahaa  ee  SNM 1988  ee  uu  Muj.Muuse Biixi Cabdi uu ka mid ahaa raggii

Hogaaminayey ee sida miidaamada ah isku  soo shubay gudaha dalka  Jamhuuriyda Somaliland.

Siilaanyo  waa  Fulay , cid u-uu hanjabi  kara ma jirto , Muj.Muuse Biixi-na  adeer kelidii ma-aha

Noqona maayo kelidii , ee waxa barbar taagan oo la socda oo garab iyo gaashaan  oo   ah

Ah Beelaha   awooda badan ee  Zubeyr-Awal .

Bullshada  dalka  Jamhuuriyada Somaliland iyo caalamka-ba  ( UN , AU , Arab leag…iwm )

Waxaanu uu sheegayna maadaama loo hogaansami waayey  sharciyada  iyo qawaaniinta dalka

Uu degsan inaanu  iska celin doono  kooxdan  shuftada ah  ee argagixisada ah ee madaxtooyada

Fadhida ee uu siilaanyo uu gacan geliyey taladii iyo masiirkii umadii iyo qarankii-ba.

HA DHACO odayga gaboobay ee aanu ku khasaaranay ee la yidhaahdo  siilaanyo

Ha GUULEYSTO Murashaxa  M/weynaha  ee kumiye Muj.Muuse Biixi Cabdi”.